Magacyada Laba Nin Oo Isugu Soo Hadhay Tartanka Raysalwasaaraha Somaliya

37
533

Picture5Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu dhawaaqo raysalwasaaraha cusub ee dawladiisa, ka dib markii ay Barlamaanku xilkaas ka qaadeen raysalwasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon.

Sida ay warar xogogaali sheegeen Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu qabtay codsiyo badan oo ay siyaasiyiin reer Somaliya ahi u gudbiyeen si uu ugu magacaabo Raysalwasaaraha Somaliya, laakiin waxa uu ugu dambayn kala xushay saddex nin oo uu mid ka mid ahi isna shalay hadhay. Waxaana aakhirkii sida ay wararku sheegayaan uu kala xulanayaa laba nin oo kala ah Xuseen Cabdi Xalane, oo wasiirka maaliyadda ka soo noqday xukuumadii Maxamed Farmaajo, iyo Nuuradiin Aadan Diiriye oo isna la taliye u ah ergayga Qaramada Midoobay Mr. Nicholas Kay. Xuseen Xalane wuxuu  ka soo jeedaa Beesha Ogaden, halka uu Nuuradiin ka soo jeeda Beesha Majeerteen.

Madaxweynaha Somaliya ayaa magacaabista raysalwasaaraha Somaliya, wuxuu uga baaqday booqasho uu maanta ku tagi lahaa Kenya oo uu kaga qayb galayay munaasibad ay dawladda Kenya maanta ugu dabaal degayso 50 guurada ka soo wareegtay markii ay xorriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaate waxa la eegayaa masuulka uu Xasan Sheekh Maxamuud u xusho raysalwasaaraha cusub ee dawladiisa, kaas oo soo dhisi doona xukuumad cusub.

 

Comments are closed.