Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Inay Jiraan Wasiiro Dhabar-Jebinaya Go’aan Uu Madaxweyne Siilaanyo La Qaatay Beesha Caalamka

39
544

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro),ayaa wasiirada xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu digay inay xagal daaciyaan diiwaangalinta codbiyayaasha, isaga oo ugu baaqay inay ku shaqeeyaan siyaasada xukuumadda ay ka tirsan yihiin.

Waxa uu guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro canbaareeyay falkii ay xukuumadu kula kacday masuulyiinta xisbiga UCID ee lagaga hor istaagay gobalka Gabilay,isla markaasna xukuumadda waxa uu ugu baaqay in aanay dhacdadaas dib ugu soo noqon dalka.

Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiye Cabdiraxmana Ciro xaflad uu ku soo dhawaynayay taageerayaal ku soo biiray xisbiga Waddani oo ka soo jeeda Degmada Axmed Dhagax iyo Gobalka Hawd, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Asxaabta qaranka,komishanka qaranka iyo wasaarada arimaha gudaha oo matalaysay xukuumadda waxay isla waafaqeen in laba arimood qaranku u baahan yahay, in shacabiga Somaliland la diiwaangaliyo oo loo sameeyo diiwaangalinta madaniga ah iyo in la sameeyo si doorasho loo qabto diiwaangalinta cod bixiyayaasha, waraaqo ayaanay dhawr jeer sexeexeen sidaad warbaahinta ka arkayseen, deeq bixiyayaasha way soo dhaweeyeen,madaxweynahana waxaanu uga mahadnaqaynaa inuu isaguna warqad qoray uu ku taageerayo arintaas, in diiwaangalinta codbixiyayaasha la sameeyo si doorashadu u qabsoonto wakhtigii loogu talo galay oo ah 2015-ka, waxaanu ka xumahay in wasiiro ka tirsan xukuumaddu ay shaki galinayaan in la qabto diiwaangalinta codbixiyayaasha,waxaanu u soo jeedinaynaa wasiiradaas inay siyaasada dawlada ee madaxweynuu uu qoraalka ku bixiyay ay la socdaan oo ay taageeraan, waa in aynu ka digtoonaanaa waxii shaki galin kara mujtamaca caalamka  ama dib u dhigi karta doorashada, doorashaduna waa in  wakhtigii loogu talo galay ay ku qabsoontaa.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo canbaaraynaayay ka horjoogsigii xukuumaddu ka hor joogsatay xisbiga Ucid gobalka Gabilay waxa uu yidhi “Waxaynu ka warqabnaa in musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Marwo Faadumo Siciid laga soo celiyay kaantaroolka Caabudla iyaga oo ku socda Gobalka Gabiilay,anigu waxaan joogay markii ay ururadu samaysmeen 2002-dii  ilaa hadda ka mid ayaan ahayna ururada iyo asxaabta ma maqalin masuuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah ama urur siyaasadeed oo la leeyahay warqadii dhaqdhaqaaqa soo qaata,dhacdadaasi mid fool xun ayay ahayd  waa dhacdo aanu canbaaraynayno, waxaanu soo jeedinaynaa masuuliyiinta amniga,wasaarada arimaha gudaha iyo xukuumaddaba in aanay talaabooyinka caynkaas ah dalka dib ugu soo noqon.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro baaq uu u diray xukuumadda“Somaliland waxa lagu majeertaa oo aynu kaga duwanahay dalalka kale iyo kuwa aynu jeerka nahayba oo tiir dhaxaad u ahaa dimuqraadiyada Somaliland taas oo ah saxaafada xorta ah ee madaxabanaan,markaas xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in la ilaaliyo  madaxbanaanida saxaafada xorta ah.”

 

Comments are closed.