Xukuumadda Somaliland oo Mabnuucday Tubaako Khatarteeda Laga Digay

0
621

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa Dalka ka mabnuucday Tukaakada loo yaqaano LYFT, taasi oo la sheegay in bilihii u dambeeyay dalka la soo geliyey.

Wareegtu uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland, Maxamuud Xasan Saacid ayuu ku sheegay in markii ay arkeen Cabashada Dadweynaha ee la xidhiidha khatarta lagu sheegay Tubaakada ay go’aansadeen inay mabnuucaan.

Wareegtada uu Wasiirku soo saaray oo soo gaadhay Geeska Afrika ayaa u qornayd sidan “Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska iyadoo ka duulaysa Xeer-nidaamiyeyaasha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda (Xeer Lr. 01/2018) oo ku waajibinaya inay ilaaliso, hubisaana tayada Badeecadaha Ganacsi ee dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya, iyadoo la kaashanaysa Hay’adaha kale ee Dawladda ayay markii ugu horraysay ee Tubaakada Magaceedu yahay ‘LYFT Nicotine’ soo gashay dalka ku hakisay Madaarka Cigaal International Airport, waxaanu isla markiiba u gudbinay Hay’adda dhowrista Tayada si ay u hubiso Bad-qabka badeecaddaas.

Intaa ka dib, Hay’addu waxay Wasaaradda ku soo celisay jawaabta shaybaadhka ku saabsan caddaymo muujinaya in aanay lahayn khatar ka badan Tubaakooyinka loo isticmaalo sideeda oo kale.

Markaan arkay Cabashada Dadweynaha iyo khatarta ay u leedahay Caafimaad ahaan Tubaakadani Dadweynaha JSL.

Markaan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan go’aamiyey.

  1. In Tubaakada LYFT gabi ahaanba dalka la keeni Karin, lagana Ganacsan Karin, wixii hore u yaallayna si rasmiya loola wareego.
  2. Waxa la farayaa Hay’adaha amniga iyo waaxda Ganacsiga ee Wasaaraddu inay kormeer iyo daba-gal ku sameeyaan arrintan, Ciddii lagu arko iyadoo ka gamacsanaysa ama isticmaalaysa in laga qaado Tallaabo Sharciga Waafaqsan.”

Geeska.net/Hargeisa Office