Wada-hadalladii Guddiyada Farsamo Ee Somaliland & Soomaaliya Oo Dib Ugu Dhacay Wakhti Aan La Cayimin

0
480

Hargeysa (Geeska) – Wada-hadalladii Magaalada Jabuuti uga furmi lahaa Guddiyada Farsamo ee Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa mar kale dib u dhacay.

Wada-hadallada oo lagu waday in Axaddii ka furmaan Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dib ugu dhacay wakhti aan la cayimin.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya ee ay arrintani khusayso, balse Ilo-wareedyo Muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyey in Wada-hadalladu dib ugu dhaceen Wakhti aan la cayimin.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Qorshuhu ahaa in Guddiyada Farsamo ee lafa-guraya Qodobbadii lagu heshiiyey shirkii Jabuuti ay Wada-hadalladoodu bilaabmaan Axaddii la soo dhaafay ee Toddobaadkan, hase-ahaatee ma suurto-gelin isla-markaana Wufuuddii labada dhinac midna kama soo ambo-bixin dalkooda, si ay Jabuuti isugu tagaan.

Ilo-wareedyada Geeska Afrika la hadlay waxay sheegeen in Wada-hadalladu dib ugu dhaceen xilli aan la cayimin, lamana garanayo dib u dhaco labada dhinac ka uu ka yimid.

Warkan la xidhiidha in Wad-hadalladu dib ugu dhaceen wakhti aan la cayimin, ayaa yimid Maalin ka dib, markii uu soo baxay War sheegaya in Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ka cadhooday Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan u furmay uu Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu culays ku saarayo inuu hakiyo Wada-hadallada uu kula jiro Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office