Xukuumadda Somaliland Oo Ku Faantay Inay Dedaal Ku Xakamaysay Xanuunka Covid_19

0
654

Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed  Cabdi Xargeeye ayaa ka xog-warramay xaaladda caafimaad ee dalka, Xukuumadda ahaan siday uga hawl-galeen xanuunka Covid_19, iyo waxaa lagu xasuusan doono Sannadkan  sii galbanaya ee 2020.  

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed  Cabdi Xargeeye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Sannadkan 2020 waa sannad in badan la xasuusan doono, waa sannad dad badani dhinteen, una dhinteen xanuunka sida deg-deg ah u faafaya ee Covid_19, waa sannad uu dhaqaalihii adduunku hoos u dhacay, maadaama isku socodkii Wadamadu la joojiyey, oo waddan kastaaba dadkiisi xayiraad ku soo rogay, si loola tacaalo faafista xanuunka Covid_19”.

Mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo xanuunka Covid_19 ayuu yidhi “Marka hore mahad oo dhami waxay u sugnaatay ILLAAHAY, inaga Somaliland ahaan xanuunkan Covid_19, wuu ina soo gaadhay, laakiin ILLAAHAY baa inoo sahlay oo dedaalka Xukuumadda, wacyigelinta aanu Wasaarad ahaan joogtaynay iyo siday dadkeenu u qaateen tallooyinkii aanu siinay ayaa keentay inaynu xanuunka Covid_19 xakamayno, mar walbana waxaanu dadka leenahay taxadir dheeraad ah sameeya oo waliba hadda waxaa lagu jiraa wakhti qaboobe ah, ee aad ha la isku ilaaliyo, oo aad ha loo taxadiro, inkasta oo aynu xanuunka xakamaynay, haddana taxadirka dadkeenu ha ogadaan,ILLAAHAYNA mar kasta aynu tallo saarano”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office