Madaxweynaha & Wasiir Maxamed Kaahin Oo Lagu Canaantay Inay Iloobeen Abwaan Hadraawi Oo Burco Ku Xanuunsanaya

0
699

Burco (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ku canaantay inay iloobeen oo aanay ka war haynin Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo muddo ku xanuunsanaya Magaalada Burco.

Faysal Cali Waraabe oo Abwaanka ku booqday Gurigiisa Magaalada Burco, ayaa sheegay in Abwaan Hadraawi uu noqday Sareer-yaal, sidaasi darteed uu u baahan yahay Daryeel iyo Xanaanayn, isagoo niyab-jab ka muujiyey inay iloobeen Madaxweynaha iyo Wasiir Kaahin oo ay Abwaanka si gaar ah Saaxiib ugu ahaayeen.

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Ilaahay wuxuu noo suurto-geliyey inaanu soo siyaarano Abwaan Hadraawi, Xaasku waxay noo sheegtay inuu muddo bil ah Sariirtay yaallay oo aanu fadhiisan karayn. Xanuun wuu jiraa, laakiin waxaanu ka qoomamaysan nahay inaanu daryeel iyo xanaanu ka helin Ummadda Somaliland Shacab iyo Dawladba, Waayo? markan oo kale wuxuu u baahan yahay in la xanaaneeyo oo la daryeelo.”

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay “Waxaan idhi, Dadka kale oo dhan iska daayoo Ninkii Maxamed Kaahin ahaa ee Hadraawi saaxiibka ahaayeen, haddana ah Wasiirka arrimaha gudaha miyuu Hadraawi iloobay, Muuse isagu Dadka wuu iska wada iloobaaye, markaa qoladii Mujaahidiinta sheegan jiroow Mujaahidkiinii u waynaa wuu jiifaa ha la idinku ag arko.”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office