” Bahalka ( Kursiga ) waa la kala riixdaa  ninkii iga riixayay ha yimaado.” Guddoomiye Saleebaan

0
631

 

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa meesha ka saaray inuu damacsan yahay in uu iska casilo xilka guddoomiyaha golaha guurtida, waxa uu ku cel-celiyay in cidii doonaysa inay kursiga u orado uu diyaar u yahay inuu iska celiyo.

Waxa uu sida oo kale ka hadlay xaaladiisa caafimaad, waxaana guddoomiye Saleebaan oo ugu horayntii la waydiiyay is casilaadiisa warbaahinta soo gashay waxa uu yidhi  “ War fidiya’yaasha warkaas anigu  idinka ayaan idinka maqlaa iyo jaraa’idkiina’ee  waanigan kursigii fadhiya, idinka ayaa iga kicinaayay ee ii warama.”

Waxa guddoomiyaha wax laga waydiiyay dadka tirada badan ee hoygiisa ugu imanaayay maalmihii ugu danbeeyay“ Warkaas anigu ma hayo niman golayaasha ah waan arkay  oo aan is idhi warka idinka ayay idinka keeneen madaxweynuuna inuu xogogaal yahay ayaan filayaa  markaas cid arintaas ila soo qaaday idinka ayuu idinka yimi  idinka ayuuna idunku danbeeyaa noojiheeya.”

Waxa uu ka hadlay qaabka uu xilka kaga tagi karo“ Sownigii bari hore idiin sheegay bahalka waa la kala riixdaa  ninkii iga riixayay ha yimaado.”

Guddoomiye Saleebaan waxa uu ka hadlay xaaladiisa caafimaad “ Walaahi waanigii idin idhi caafimaadkaygu waa taam wax da’ ka badan ima hayso hadii aad da’da wax igala qabanaysaana ahlan wasahlan hadii kalena warka iga daaya.”

Ugu danbayn guddoomiyaha golaha guurida waxa uu sheegay inuu ogol yahay tartan hadii ay jirto cid la tartamaysaa “ Waa laga yaabaa inuu rag kursiga damaaciyo ee udaaya waa tartan  kaayaga u adkaada ayuunbaa la arki doonaa, xaq ayayna u leeyihiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here