Xukuumadda Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Dartay Wefti Baaqii Bulshada Caalamka U Tagaya Wadamada Itoobiya Iyo Kenya

0
586

Picture6Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegtay inay wadamada Kenya iyo Ethiopia u dirayso wefti isugu jira xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka. Wufuudan ayaa diblomaasiyiinta reer galbeed ee dalalkaas ku sugan kala soo hadli doonta baaq dhawaan ay soo saareen wadamada Ingiriiska, Maraykanka iyo EU oo ay ugu baaqeen dawladda Somaliland inay ciidankeeda kala soo baxdo Sool iyo Sanaag oo Somaliland ka tirsan. Waxaana la filayaa inuu weftigani maalmahan u baxo dalalkaas.

Xukuumadda Somaliland oo tan iyo markii ay taladda dalka la wareegtay afar sano ka hor,aan wax talo iyo tusaale ah weydiin jirin Xisbiyada Mucaaradka ah, isla markaana aan kala tashan jirin arimaha Gudaha iyo Dibada, ayaa hadda u soo dabacday kadib markii Beesha Caalamku cadaadis kaga yimid, dhaliilayna  sida ay wax u wado.  Waxaanay xukuumadu xisbiyada mucaaradka xataa si toos ah uga reebtay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Tan iyo markii Wadamada Ingiriiska, Mareykanka iyo Midawga Yurub ay Somaliland ku amreen inay ka baxdo Gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa Xukuumadda oo inta badan iska indha tiri jirtay dhaliilaha ay Mucaaradku u soo jeediyeen ee ay doonayaan inay ku saxaan ayaa go’aan ku gaadhay inay la tashato oo danta dalka wax ka weydiiso, isla markaana ay ku darto Wufuuda la filayo inay dhawaan dibadda u baxaan.

Xisbiyada mucaaradka ayaa inkastoo ay dhawaan taageereen dhawaaqii madaxweynaha ee difaaca qaranka, haddana waxaan la ogayn inay ka mid noqon doonaan wufuudaas, waxase ay u dhowdahay inay aqbalaan.