Xaaladda Saboolka, Danyarta Iyo Day’yarta Oo Ku Lifaaqan

0
655

Picture5Hore waxa aan u soo qaaday in ay Somaliland ku jirto DARAJADA AFRAAD EE SABOOLNIMADA DUNIDA, sida warbixintii World Bank sheegtay.                                                                                                         Waxa kale oo aan xusay in SOMALILAND, ALLA ku mannaystay: Xoola-nool, macdan, shidaal (lagu rajo weyn yahay), dhul beereed, dhuxul-dhagax, kaluun iyo khayraad kale oo badan. SABOOLNIMADU, markaa ma aha wax la’aan, ee waa maamul xumo.                                                                                                                                                                 

Waxa kale oo aan xusnay in Dadweynuhu, ka soo doogay, bur-bur balaadhan oo dhimasho iyo maal ba leh, oo aad u balaadhan. Muddadaa madax-banaanida ee ilaa 1991, waxa soo baxay qaysanaan, ku salaysan; wixii LIXDAMEEYADI LA ODHAN JIRAY; DIBIR IYO DIBJIR. Waa arrin aan u baahnayn in la fasiro, laakiin Laba tusaale ayaa  inagaga filan:

1. Waxa jira REER SABOOL AH, oo ka kooban; Aabo iyo hooyo iyo dhowr caruur ah. Aabaha oo u shaqayn jiray qoyska, ayaa xanuun saday, xanuun adag oo malax iyo dhiig ka dareerayo. Biyaha ay ugu maydho haweynaydu, jaarka ayay baryi jirtay. Gaajo, awgeed Odaygii iyo laba caruurta ka mid ah ayaa, qaaday cudurka T.B. 

 

ALLe khayr ha siiye, Jaarkii baa u gurmaday. Taanki biyo ah ayay u dhigeen, si ay ugu maydho una intifaacsadaan. Raashin saddex bilood ah iyo Dawooyinkiina way u iibiyeen. Odaygiina cusbataal Hargeysaa lagu qalay waanu bogsaday. ALLA MAD LEH. Waxa kale oo ay siiyeen $ 150, inuu ugu shaqeeyo qoyska. Wuxu ka ganacsadaa dharka baaliga ah, uu biilka reerka ka soo saara.

1. Tusaalaha labaad: REERA JIRA DHAWR  QOF oo jirani GURIGA UGU XIDHAN yihiin oo taakulayn iyo daweyn, u baahan iyo meel lagu hayo.  Dadka saboolka ah ee waxtarka u baahani, way badan yihiin. Mashruuca MISKIIN KAL-KAALKA ayaa xafado dhawr ah ka jira. Ilaahay khayr ha ka siiyo.

 

1. Waxa Iyana jira, oo badan DANYARTA. Rasamaal-kood  u isku cel-celin yahay KONTON DOLLAR ($ 50), oo u badan amaah. Waxa ay ka ganacsadaan: Khudradda, dharka baaliga ah, dhuxusha iwm. Waxa ay ka kasbaan, quud ahaan biil maalineedka. Kharashkii kale ee lahaa: huga, dawada iwm way laaln yihin. NOLASHOODU Iyana waa SUQUQUL.

2. DANYARTA WAXA KU LIFAAQAN DA’YAR BADAN. Sidooda ba Danyartu way ka ubad badan tahay dadka ladan. Shaqa la’aantu saamayn weyn bay iyaga ku leedahay. Guri madhan bay ka soo tooseen. Waa sababta ay TAHRIIBKA ugu badan yihiin. Gacan qabasho shaqa-abuur ayay u baahan yihiin

Maxay tahay siyaasadda Dawladda ee arrimahaa kor ku xusani?

Bal aan ku horayno XUKUUMADDA iyo FIKRADAHA AY QABTO:

1. Waxa ay qabtaa in ay kafayso oo ay RAALI ku yihiin, WASIIRO iyo MADAX SARE oo REERKA LOO MAGACAABO.

 

1. Arrintaa wasiirada lafteeda, LOOMA SINNA. Reerka yari ma helo wasiir buuxa. Haddii cawri-geff, wax loo siiyo, waa Wasiir ku-xigeen. Madaxtooyadu kuma fakarto, sidii ay ku kasbi lahayd kalsoonida SABOOLKA, DANYARTA iyo dadweynaha guud ahaan ba. Waxa ay isku halayn muddo kordhin.                                                                                                            

2. Xeer-dejintu waxa qaadatay, barkimo dheer. DOORASHADA ayay ahayd, xadhiga isku xidha dadweynaha iyo Xeer-dejinta. Waxa xadhigaa jaray MUDDO-KORDHINTII. Waxa halkaa ka baxay baahidii Xeer-dejintu u qabtay dadweynaha ee codka doorashada.

3. Waxa tusaale fiican ah, ANSIXINTII XEERKA MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKA. Si ay u ANSIXIYAAN XEERKAA, waxa ay dalbadeen in Mudanaha ku guul-darraysta doorashada soo socota la siiyo MUSHAHAR ah sannad. Xukuumaduna way ansixisay.

Waa heshiis aan qorayn. Waxa markaa lumay; DHAARTII DASTUURIGA QOD. 129aad iyo maamu-wanaagii. Waxa kale oo lumay CADAALADDII. Awoodihii qaybsanaa waxa ay ku soo urureen MADAXTOOYADII.

Bal aan Iyana wax ka taabanno, CADAALADA:                                                                            Ku dhaqanka Dastuurka iyo sharciyada Dalka J. S. L waa dugsi muhim ah oo Dadweynuhu ku naaloodo. Sida Xeerka Saxaafadda.  Lr.GW/K1-21/317/2004 ee 18/01/2004 ee Golaha Wakiiladu ansixiyey. Dadweynuhu wuxu xaq u leeyahay, in uu ogaado waxa ka socda Dalka:  haddii ay tahay; Cadaalad darrada; MUSUQ-MAASUQA, SABOOLNIMADA. Tasaynta DAN-YARTA; iyo shaqo la’aanta DA’YARTA iwm.

LA SOCO QAYBAHA DAMBE

ALLAH MAHAD LEH

 

ENG. MAXAMED XAASHI CILMI