Xukuumadda Oo Xidhay Ganacsade Cumar Caydiid

0
530

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay ganacsade Cumar Caydiid Axmed, oo ka soo jeeda dalka Djibouti, kaas oo dhisme ganacsi oo balaadhan ka wada tiyaatarkii hore ee Hargeysa.

1111111111111

Ganacsade Cumar Caydiid, wuxuu xadhigiisa ku eedeeyay inay amarkiisa ka soo bixiyeen magaalada Burco wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade iyo taliyaha booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxaanu sheegay inaan sifo sharci ah loo soo marin xadhigiisa.

Xadhigiisa ayaa la xidhiidha muran ka taagan qayb ka mid ah dhismaha tiyaatarka Hargeysa oo uu Cumar Caydiid sheegay inuu ugu tallo galay in baabuurta la dhigto balse ay xukuumadu siisay mid ka mid ah salaadiinta Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal xadhiga ganacsadahan caanka ah.