Dabka Qabsaday Mishiinka Diyaaradda Daallo Iyo Su’aalaha La Isweydiinayo

0
605

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Diyaarad ay leedashay shirkadda Daallo Airlines oo ka kacday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa deg deg ugu degtay, iyada oo warar kala duwan ay ksoo baxayaan sababta. Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda uu dab ka kacay.

1111111111111

Lama yaqaan in dabka ka kacay diyaaradda uu yahay mid cilad ka dhashay ama wax kale, hase yeeshee sawirada la helay ayaa muujinaya in diyaaradda uu ka muqudo dalool weyn.

Diyaaradda ayaa waxa ku dhaawacmay laba qof, waxaana la sheegayaa in weli la la’yaay mid ka mid ah dadkii diyaaradda saarnaa oo ay wararku sheegayaan inay suurtogal tahay inuu ka baxay daloolka weyn ee diyaaradda ka muuqda.

Diyaaradda oo ku sii jeeday dalka Djibouti, waxa raacay rakaab ay ka baaqatay diyaaradda Turkigu leeyahay oo tiradooda lagu sheegay 74 ruux, waxaanay dib ugu noqotay muqdisho markii ay hawada ku jirtay 10 daqiiqo oo ay farsamayaqaanada diyaaradu ka war heleen dabka ololaya ee ka baxaya gudaha diyaaradda.