Cirro Oo Sheegay Inaanu Jirin Wada Hadal U Bilaabmay Xisbiga Waddani Iyo Isbahaysiga KULMIYE

0
599

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha iyo Wasiiradda badan ee safarkaas Madaxweynaha u raacay, waxaanu sheegay in aan loo baahnayn in Wasiiraddaas oo dhami Madaxweynaha raaceen, balse looga baahan yahay inay Qaranka iyo Shacabka u shaqeeyaan.

1111111111111

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),oo Shalay Xafiiskiisa ugu waramaya Warbaahinta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ilaa hadda aanu jirin wax wada hadal ah oo u furmay Xisbiga Waddani iyo Isbahaysiga, waxa kale oo uu ka hadlay go’aanka ay Dawladda Somaliya ku joojisay Diyaaradihii imanayey dalka, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlay hadalkiisi ku bilaabay sidan “Anigu qoraalo rasmiya oo soo baxay maan arag, laakiin guud ahaan Somaliland waa Qaran madax banaan, oo gooni istaagiisa ku dhawaaqay mar labaad, 1960 26-june, kadib mar labaad ku dhawaaqay inuu yahay dal madax banaan 18-may 1991, intaas kadibna afti laga qaaday dadka dastuurna la sameeyey, go’aan shacbi oo ah in marna Somaliland gooni istaageedi gor gortan gali karin, marka waxay ila tahay dawladdo kale halkan xafiisyo aan ahayn xafiisyo diblamaasiyadeed kama furan karaan.

Waxay ila tahay marka hore waxa jiray wada hadal Somaliland iyo Somaliya u dhexeeyey, heshiis ba jiray ay wada galeen Somaliland iyo Somaliya oo ku saabsan duulimaadyada,warbixino badan oo waafiya iyo halka ay marayaan heshiisyadaasi waxa laga rabaa Xukuumadda Somaliland inay shacabka u caddeeyso, ta marka laga tago waxa ay ila tahay Dawladuhu macaamil bay leeyihiin,Somaliland iyada ayaa xor ah cida ay la macaamilayso iyo Dayuuradaha ay la macaamilayso, masuuliyada kowaad waxa leh Dayuuradaha, oo waa dayuurado ganacsi oo meesha ay imanayaan iyaga ayaa imanaya, laakiin Somaliland laba waxba wey u banaan yihiin in marka hore madax banaanideeda ay iyadu masuul ka tahay, cida u imanaysana iyadu masuul ka tahay, Dayuurada u imanaysana inay iyadu rusqada siiso, marka Dayuuradii aan imanaynin ee amarka qaadanaysa ee Jamhuuriyada Somaliland ruqsada siisay haday ka maaranto ganacsiga Somaliland  marka hore Dayuurada ayey u taala , marka labaad arintaas xogogaalnimadeeda iyo waxay ku timid waxa laga raba inay Xukuumaddu mawqif cad ka qaadato, laakiin waxaan qabaa in isku socodka Dayuuraduhuna inay madax banaanadan oo gaadiidku madax banaanado isku socodka dadkuna uu madax banaanado haddii ILLAAHAY ka dhigo”.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani mar wax laga weydiiyey socdaalkii uu ku tagay Xisbigiisu Gobolka Togdheer ayaa ku jawaabay “Geel meel maraya ayuunban la kulmay, Geela la ima qorsheyn, in aan meesha kula kulmo laakiin si kadiso ah ayaan kula kulmay Geel la waraabinayo, barigii aan yaraa mar mar baan geela waraabin jirayoo marka dawliskuun baan yara qabtay laakiin Muuse ugumaan jawaabaynin”.

Guddoomiyaha Waddani mar wax laga weydiinayey Safarka Madaxweynaha iyo Wasiiradda badan ee sii raacay ayaa ku jawaabay sidan “Waxay ila tahay Madaxweynuhu Wasiiradda oo dhan uma baahna, inta aanu ka maarmaynin inta nabadgaliyada khuseeya waa laga yaaba in aanu ka maarmaynin laakiin waxa aan qabaa in nidaamka aynu wax ka bedelno oo dadka loo shaqeeyo, baahi uu Madaxweynuhu u qabo Wasiiro badan oo raacaa ma jirto“

Guddoomiyaha Waddani ayaa mar wax laga weydiiyey waxa jira in Isbahaysiga Kulmiye wada hadall u socdo iyo Shuruudo ay la galeen ayaa ku jawaabay “Warkaasi ma jiro, Xirsi Hargeysa ayuu joogay, aniguna Burco ayaan joogay, Masuuliyiinta iyo Madaxda Isbahaysiguna Hargeysa ayey joogeen, lamaan kulmin wada hadalna maanu yeelan. Isbahaysiguna wali Kulmiye ayey ka tirsan yihiin, wada hadal rasmiya oo noo bilaabayna ma jiro, wey jirtay in mararka qaarkood is aragnay Rag ka tirsan, oo waa anagii awalba iska arki jirnay, Shalayba waanu is ag fadhinay Xirsi, marka laakiin wada hadal noo bilaamayna ma jiro, Shuruuduhuna waxa ay imanayaan marka wada hadal bilaamo, marka shuruudo ay noo keeneena ma jiro, wada hadal noo furmayna ma jiro”.

Mar wax laga weydiinay wakhtiga uu is casilayo ayaa hadalkiisi ku soo koobay “Waxay ila tahay Diiwaangelintii meel fiican ayey maraysaa, arintaasina wey iman doontaa, haddana waan ku celinayaa oo wey imanaysaa,