Xukuumadda Oo Sheegtay In Sida Loola dhaqmo Beelaha La Hayb-sooco Ee Somaliland ay Bar Madow Ku Tahay Qaranka

0
586

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Takoorka lagu hayo Bulshada ka soo jeeda Beelaha la Hayb-sooco.

Xukuumaddu waxay sheegtay in Habka loola dhaqmo Dadka soo jeeda Beelaha la Hayb-sooco ee Somaliland ay Boog Madow ku yihiin Qaranimada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Shalay ka hadlayey Munaasibad lagu furay Goob lagu diwaangelinayo Tacadiyada loo geysto Haweenka, ayaa isagoo daba socda hadal Madashaa ka sheegay Axmed Iimaan Warsame oo ah boqorka guud ee Beelaha Gabooye, ayuu wuxuu Wasiir Sacad yidhi  “Anigu boqorka waan la qabaa Codsigiisa iyo Cabashadiisa, haba aynu ula dhaqano Beelahaas (la Hayb-sooco) waa bar madow oo ku taalla Qarankeena iyo dhaqankeenaba”

Wasiir Sacad wuxuu sheegay oo kale “Keligood ma masixi karaan Boogtaa, waa Arrin u yaalla Bulshada, hadday Dawlad tahay iyo hadday Shicib tahayba.” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.

 

Geeska.net/Hargeisa Office