Madaxweyn Biixi Oo Muujiyey Siduu Ula Dhacsan Yahay Musharraxiinta Kulmiye U Ordaya Oo Qaarkood La Soo Tijaabiyey

0
464

Hargeysa (Geeska) – Isniintii Shalay waxa ahayd Maalintii labaad ee Ololaha doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada oo Somaliland ka bilaabantay 23-kii bishan May, 2021.

Xisbiga KULMIYE oo ololaha Shalay u lahaa, ayaa fagaareyaasha Magaalooyinka dalka ku sameeyay isku soo baxyo uu Xisbigu ku muujinayo Taageerayaasha Musharraxiinta ugu tartamaya doorashada Wakiillada iyo Deegaannada.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo xisbiga uu Guddoomiyaha u yahay ee KULMIYE kala qayb-galay isku soo bax ay ku qabteen Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa, ayaa Shacabka u jeediyey khudbad uu kaga hadlay Ololaha doorashada ee bilaabmay, Nabadgalyada iyo arrimo kale oo khuseeya Somaliland.

Madaxweyne Biixi wuxuu ugu horrayn sheegay in Xisbiga Kulmiye uu soo sharraxay Musharraxiin wanaagsan sida uu sheegay, waxaanu yidhi  “Murrashaxiinta Maanta aannu soo sharraxnay dhammaantood dalka oo dhan, gaar ahaan caasimaddu waa dadkii aynu baadhnay ee xulnay oo ah miidda mujtamaceenna oo aynu ku dooranay in aynu ku aaminno taladeenna, haddii ay Baarlamaan yihiin iyo haddii ay Dawladaha Hoose yihiinba.”

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Tartanka ka dhexeeya Xisbiyada Qaranka  “Xisbiyadu waxay ku doodayaan anigaa kaa hoggaan wanaagsan iyo anigaa talo wanaagsan, KULMIYE waa la tijaabiyey, laba xisbi baa dalka soo xukumay, xisbi UDUB buu ahaa oo Maxamed Ibraahim Cigaal baa aas-aasay, waayo-aragnimadii iyo hoggaamintiisii buu ku meelmaray, ka labaadna waa KULMIYE oo Siilaanyo iyo Fagadhe iyo rag mutacallimiin ah baa aas-aasay, raadkoodii baa muuqda oo aynu wadnaa, raadkii KULMIYE lagu dhisay, mabdi’ii KULMIYE lagu dhisay baa la wadaa oo ah Somaliland oo xor oo ictiraaf hesha oo caalamka gaadha, walaalowda oo hore u marta, taas ayaa KULMIYE laba goor oo hore lagu doortay, maantana lagu dooranayaa oo aan leeyahay shacabka Somaliland ha ugu codeeyaan xildhibaannadooda,” ayuu yidhi Madaxweynuhu, waxaanu intaa sii raaciyey  “Xisbiyada nala tartamayaa waxay ku tartamayaan waxaannu qaban doonaa iyo waxaannu yeeli doonaa, mooyi waxaad qaban doonto ayaanu leenahay, waa Qaalin layli ah, labada xisbi ee nala tartamaya mid labaatankii sannoba wuu joogay maalina ma guulaysan, xisbiga labaadna waa layli oo lama tijaabin, waxna muu qaban. KULMIYE wuxuu leeyahay hawshii aad noo igmateen ee tobanka sanno taladeeda haynay, tobanna mucaarad ku ahayn ee aannu halgankii ka soo qaadnay, ayaanu hawsheeda wadnaa oo aannu dhammaynaynaa oo xildhibaannaduna halkaa ka qaadayaan, ma odhaynayno waxaannu qaban doonaa ee waxaannu wadnaa horumar, difaac qaran, waxaannu wadnaa dhismaha waddooyin iyo dekedo, waxaannu wadnaa biyo-xidheenno, waxaannu kor u qaadnay tacliinta libin-laab, waxaannu wadnaa shaqo qaran ee sow nala qabanmaysaan shacabow.”

Sidoo kale, Madaxweynuu wuxuu isla Shalay Booqasho ku tagay Degmada Gabiley, waxaanu Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE iyo shacabka Gabiley u jeediyey khudbad, waxaana ka mid ah hadalladii uu halkaa ka jeediyey “Waxaynu maanta wadnaa xulka ciyaartoyga siyaasadda ee sannadka 2021 kooxda u ciyaaraysa gobolka Gabiley ee KULMIYE soo layliyey.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu KULMIYE caan ku yahay guusha, horena uu tartannada siyaasadda guulo isdaba-joog ah kasoo hoyn jirey, doorashadanna laga filayo inuu wacdaro kale ka dhigo, “Kooxda KULMIYE koobka siyaasadda ee Somaliland, laba goorna wuu qaaday, marna danta qaranka Somaliland ayuu uga tanaasulay intuu helay, maantana doorashada Baarlamaanka iyo Deegaanka waa inuu ku qaadaa goolal laga yaabay, Gabileyna taasaan ka rabaa..”

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbaddii uu ka jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa waxa ku jirtay Weedh markii dambe Bulshada Hadal-hayn badan ka dhex abuurtay.

Madaxweyne Biixi oo ka jawaabayey hadal uu dhawaan sheegay Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ahaa inuu dalka xukumayo Madaxweyne Badow ah, ayaa yidhi “Shalay waxa hadlay Xisbiga UCID oo yidhi Dawladdu waa mid Badow ah oo Madaxweyne Badow ah ayaa u taliya, waar Anigu Badow baan ahay Soomaaliyeey, Badownimada waan ku faanayaa, badownimo ayaanan wax ku hoggaaminayaa, waxaanan u sheegayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID anigu Badownimada Abtiyaashay baan ka raacay oo waan haysanayaa.”

Hadalkaasi, ayaa Dadweynaha ka dhex abuuray Hadal-hayn badan, iyadoo qofba Macno gaar ah iyo sida uu rabo u fasirtay, waxaana hadal-hayntaasi u badnayn Dadka adeegsada Baraha Bulshada.

 

Geeska.net/Hargeisa Office