Xukuumadda Oo Sheegtay In Jabhadda Kornayl Caarre Ay U Aqoonsantahay Farac Ka Mid Ah Xisbiga WADDANI Oo Ka Goostay, Guddoomiye Cirrana Ku Eedaysay Nin Aan Somaliland Difaacin

0
858

Hargeysa (Geeska)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Kornayl Caarre iyo jabhaddiisu ay ahaayeen farac ka mid ah xisbiga WADDANI oo ka goostay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ee Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddoomiye cirro uu u damqanayo jabhadda iyo Kornaylka oo xisbigiisa ka mid ahaa, “Cabdiraxmaanow kuma lihi reer ahaan ayaad Caarre wax isugu tihiin, laakiin waxaan aqoonsanahay inuu farac isaga ka baxay yahay”

Wasiirka oo daba socday hadal uu hore guddoomiye Cirro ugaga hadlay arrinta Kornayl Caarre oo ay ka mid ahayd in xukuumaddu ay jabhaddaas cafis u fidiso, ayaa waxa uu sheegay in uu ahaa dhaliil uu guddoomiyaha Waddani meel fagaare ah ula soo istaagay madaxweynaha. Isaga oo sheegay in ay sida saxda ahi ahayd in uu fikirkiisa ku aaddan wax ka qabashada jabhadda Caarre keeno miiska madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo iyaga oo wada fadhiya ay ka wadahadlaan. Waxa aanu guddoomiye Cirro ugu baaqay in uu xukuumadda kala shaqeeyo xal u helidda arrinta jabhaddaas, oo uu sheegay in ay socdaan wadahadallo dhexdhexaadin ah oo madax dhaqameed ka soo jeeda beeshiisa Carre ay ka dhex wadaan isaga iyo xukuumadda.

Wasiirka ayaa Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ku eedeeyey in uu yahay nin aan dalka iyo qaranimadiisa difaacin, waxa aanu ugu baaqay in uu u dambqado dalkiisa iyo Shacabka, oo wakhtiyada ay taagan yihiin xaaladdaha adag ee arrimaha dibadda ahi, aanu eegin arrimaha hoose ee dalka. Madaama oo uu kamid yahay meelaha la tirsanayo ee laga eegayo qaranka. Sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo dhinaca kalana ku eedeeyey in uu yahay nin aanay waxbadan u kordhayn tan iyo wakhtigii uu ahaa gudoomiyaha golaha Wakiilada, oo uu xusay in ay baaba’een xeerar badan oo qaranka muhiim u ahaa. Inkasta oo aanu xeerarkaas waxba ka sheegin.

Waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay warka ka soo baxay dawladda Sychelles e eay Somaliland ku eedeysay in sii deyntii 19-ka maxbuus ee dembiyada budhcad badeednimada u xidhnaa ay ahayd tallaao ay xukuumadda Somaliland ku burisay heshiis ay hore labada dal u galeen, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobeyna qayb ka ahaayeen.

Wasiirku isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu sheegay in madaxwaynaha Somaliland uu dastuurka dalku xaq u siinayo cafinta ciddii uu u arko in ay ka waantoobeen dambiyadii lagu soo eedeeyey. Waxa aanu Meesha ka saaray in heshiiskii 2011-kii ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Seychelles ee maxaabiista budhcad-badeedu, uu dhigayey in maxaabiistu ay dhamaystaan xukunnada lagu riday oo u dhaxeeyey 30, sano,36 sanno iyo 40 sanno.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here