Xukuumadda Oo Shaqaalaha Dawladda Fasaxday Munaasibadda Mawliidka Nabiga (NNKHA) Darteed

0
535

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Somaliland ayaa shalay warbixin ay soo saartay waxa ay ku wargelisay dhamaan shaqaalaha Somaliland inay munaasabadda dhalashada Nabigeenii suubanaa Muxamed (NNKH) darteed ay fasax noqon doonaan khamiistan maanta ee taariikhda Hijriyadu tahay 12-ka Rabiicul Awal 1434 kuna beegan taariikhda miilaadiga 24.jan.2013.

Warbixintan wargelinta ah oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad) waxaa lala socodsiiyey inay fasax yihiin shaqaalaha iyo loo shaqeeyahaba khamiistan.

Dhanka kalena Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md Maxamuud Axmed Barre (Garaad) ayaa munaasabaddan darteed waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaale-waynaha JSL, waxuuna ilaahay uga baryay inay caafimaadqab iyo barwaaqo ku gaadhaan xuskan xuskiisa.