Muslimiin Ku Dacweeyey Mcdonald Hilib Xaaraan Ah Oo Ay Xalaal Ku Qoreen

0
553

 

beefMichigan (Geeska/Nwire)- Koox muslimiin ah ayaa dacwad ka dhan ku oogay shirkada  McDonald ka dib markii ay si been-abuur ah ugu qoreen in hab xalaal ah loo diyaariyey hilib ay sameeyeen, sida garsoore maxkamad ku taal magaalada  Detroit Michigan sheegay.

Kiiska loo haystay McDonald ayaa la sheegay inay u ogolaadeen siinta magdhow gaadhaya $700,000 jaaliyada Muslimiinta si loo dhameeyo khilaafka makhaayad ku taal Detroit oo si been ah ugu xayeysiisay in cuntadooda loo diyaariyey hab xalaal ah.

McDonald ayaa jimcahii aqbashay bixinta magdhowga lacagtaa oo loo qeybin doono nin degan xaafadaa, xarun caafimaad iyo matxafka Muslimiinta Maraykankaee  Dearborn iyo qareenada.

Kiiskan ayaa ku yimi ka dib markii nin muslim ah ka iibsaday hilib digaag, balse, ogaaday inaan xalaal loo diyaarin. "Kuma ciyaari kartid diinta Islaamka, maadama aanu ku adag nahay diinteena,” ayuu Axme du sheegay saxaafada.