Eng. Maxamed Xaashi Oo Luuqad Adag Kaga Hadlay Saxafiyiinta Ay Xukumadu Shalay Xabsiga Dhigtay

28
588

Picture5Hargeysa(Geeska)-Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa si adag u cambaareeyay saxafiyiinta ay xukuumadu shalay xidhay.

Eng. Xaashi, oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu golaha wakiilada u soo jeediyay inay dhibaatada ay saxaafadu ka mudaharaaday ay ka hadlaan, mar haddii ay shacabka wakiil ka yihiin. Ugu horayn wuxuu Maxamed Xaashi yidhi, “Arintan dhacday waa arin aad u fool  xun, marka hore waxay [saxaafadu] dalbadeen siday sheegeen fasax oo toddaba cisho ayay naawilayeen fasaxii,markii ay fasaxii waayeen waxay dhigeeen mudaharaad salmi ah wax dhib ah iyo hubtoona may wadan, waxa meesha ka socda tacadi weyn oo nabadgalyadeenii wax yeelaya oo waxii aynu u soo halgamaynay baabi’inaaya, oo waxii aynu haysanay baabininaaya, in inamadii inta la  xidho waliba cuntadiidna loo diido, waa wax ugub ah oo aan hore inoo soo marin.”

Isagoo ka sii hadlaya ninka ay saxaafadu ka damqatay ee uu Wargeyska Hubaal ku eedeeyay in la sii daayay wuxuu yidhi,  “Kiisas ka fudud ayaa la yidhaahdaa damiin ma leh, laba askari oo madax soo duubtay oo baaskoolado iyo budadba sita inay u dhacaan oo ay jariirada galaan oo ay shaqaalhii garaacaan oo ay gacmaha ka jajabiyaan, ayaa hadana kii baxsadayna aan la doonin, kii ay xidheena in la sii daayo inta wax la soo macmalo, judhiibana waxa la xidhay jariiradii,waa fool xumo aan hore inoo soo marin,waana taariikh cusub, Haatuf waa inay xasuustaan markii ay KULMIYE mucaaradka ahaayeen arinteedii, arintaasi waxaan qabaa inay mid fool xun tahay,kiiskaasina waa mid in la baadho ay tahay oo nabadgalyadeena wax u dhimaanaya.”

Ugu dambayn wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday,  “Waxaan qabaa inay xukuumaddu isku noqoto oo sida ay wax u wadaan si lagu dhaqmi karo maahee. Waxaan kale oo aan qabaa baarlamanka dadkaa soo doortay oo ay wakiil yihiine inay arintan ka hadlaan, oo waxii nabadgalyda xumaynaaya waajib ayaa ka saaran ay ka hadlaan, waxa kale oo waajib saaran yahay xisbiga KULMIYE oo baritoole dadka cod ka doonaaya inay maanta sidaas ku daawadaan xukuumadda iyagana waa ku ceeb,waxa fiican in labada xisbi ee mucaaradka ah ay iyaguna ka hadlaan arinkan foosha xun, oo dhaqso nimankaas loo sii daayo,kiiskiina dib loo baadho oo ninka la soo xidho kii kalena la soo qabto.haddii arintaas dhaqso wax ay uga qaban waayaana waa in dadku ay mudaharaad dhigaan oo laysku kaashado oo xumaanta noocaas ah aan jaanis la siin.”

 

Comments are closed.