Xukuumadda Oo Qarka U Saaran Inay Ku Fashilanto Dhamaystirka Casriyeynta Madaarka Hargeysa Oo Qandaraskiisa La Siiyey Wiil Ay Madaxweynaha Ehel Yihiin. + Daawo Sawiro

10
678

IMG_0286Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa u muuqata inay ku ceeboobayso sida ay u maamushay mashruucii dib u dhiska madaarka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa oo ay maalgelisay dawladda Kuwait, waxaana muuqata in dhabihii diyaaradaha ee madaarka Hargeysa la kab-kabayo, isla markaana ay shaqadu meel bilow ah marayso xilli ay mudadii shirkadda qandaraaska lagu siiyay ka soo wareegtay siddeed bilood.

 

Qandaraaskan dib u dhiska madaarka Hargeysa waxa la siiyay shirkad lagu magacaabo China Horn Group oo markii ay guddiga qandaraasyadu ku dhawaaqeen inay ku guulaysatayba awoodeeda laga bixiyay qaylo dhaan, taas oo tilmaamaysay inaanay shirkadani awood u lahayn inay ka soo baxdo qandaraaska la sheegay inay ku guulaysatay maadaama ay tahay shirkad macdan baadhiseed oo aan ahayn shirkad dhisme.

Guddoomiyaha guddiga qandaraasyada qaranka ayaa 16 Febarwari ee sannadkan ku dhawaaqay inay shirkadani ku guulaysatay qandaraaska dhabaha diyaaradaha oo ay ku qandaraasayso lacag dhan $ 4, 436,000 (Afar Milyan afar boqol iyo lix iyo soddon kun oo dollar), lacagtaas oo qiyaas ahaan u muuqata in ay sida ugu quruxda badan ugu dhamaystiri karto dhismaha dhabbaha diyaaradaha ee madaarka Cigaar. Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dib u dhiska dhabaha madaarka Hargeysa dhagax dhigay 27 May ee sannadkan, shirkadda China Group-na waxay qalabkii ay ku shaqayn lahayd dalka keentay 2-dii bishii Jullay ee sannadkan, laakiin inkastoo qalabkaas lagu rakibay duleedka waqooyi bari ee madaarka Hargeysa, haddana ilaa hadda si rasmi ah looguma shaqayn wershadaas la rakibay.

Saxafiyiin ka socda Wargeyska Geeska Afrika, ayaa kormeer ku tagay halka ay ka socoto hawsha dib u dhiska dhabaha diyaaradaha ee madaarka Hargeysa, waxaana halkii uu qorshuhu ka ahaa in la qaado dhabaha diyaaradaha lana dhigo mid cusub oo tayo leh uu Wargeysku soo xaqiijiyay inuu soo arkay iyadoo la kab-kabayo meelo ka mid ah dhabaha garoonka oo ay wakhtigaas ka shaqaynayeen tiro rag ah oo lagu qiyaasay 7 nin kuwaas oo ciidda iyo dhagaxaanta ka gurayay godadka la qoday ee la kab-kabayo kuna gurayay kaaryoonayaal dhinacooda yaalay, waxaana la sheegay inay shirkadu qandaraaskaas siisay laba khabiir oo uu midkood hore dhabaha garoonka ugu samayn jiray dib u dhis kab-kabis ah iyo khabiir kale oo iska leh shirkad xafiiskeedu Hargeysa yahay oo dhismaha qaabilsan.

Shaqaale Kab kabaya Dhabaha diyaaradaha ee hargeysa

Tusaale ahaan sawirada uu Wargeyska Geeska Afrikasoo qaaday waxa ka mid ah foosto daamur lagu dhalaaliyo oo ay hoos yaallaan hadhaagii xaabada lagu shiday dabkii lagu dhalaalinayay, waana daamurka loogu tallo galay in lagu buuxiyo dhabaha diyaaradaha ee la kab-kabayo. Waxa kale oo aad akhriste sawirka ka arki kartaa majarafad iyo kaaryoone dhex yaala dhabaha oo lagaga shaqaynayey. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in garoonkii lagu qandaraasay shanta milyan ee Dollar lagaga shaqeeyo kaaryoone, foosto iyo majarafad, waxase la sheegay in wershad ay shirkadu ugu tallo gashay inay ku dhisto dhabaha diyaaradaha oo dhismaheeda la taagay laga shaqaysiin kari waayay. Wershadan markii aanu booqanay dhismaheedu wuu taagnaa, laakiin wax shaqo ahi kama socon, waxaana sidoo kale hareero tubnaa dhawr cagaf oo ay shirkadu keensatay oo aan iyaguna waxba qabanayn.

Qayb Ka Mida Qashankii Laga Guray Gododka

 

 

Foosto Daamur Ah Oo Oo Lagu Buux Buuxinaayo Dhabaha ay shanta milyan lagu qandaraasay oo lagu shiday Xaabo

Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin ayaa sannadkii 2006 qandaraas ku siisay shirkad wadani ah inay dayac tir ku samayso dhabaha diyaaradaha waxaanay shirkadu kab-kab noocan oo kale ku samaysay garoonka wakhtigaas, waxaanay lacagtaas ka bixisay qansnadii dawladda. 

Wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaanay noo suurtogelin inaanu helno.

Hase yeeshe, wuxuu mashruucu u muuqdaa inuu qarka u saaranyahay inuu fashilmo, waxaana ku ceeboobi doonta guud ahaan dawladda Somaliland oo ay dawladda Kuwayt ku aamintay Toban milyan oo Dollar, si gaar ahna waxay arrintani u taaban doontaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay xigto hoose yihiin ninka wakiilka ka ah shirkadan la sheegay inay ku guulaysatay qandaraaska.

Dawladda Kuwayt ayaa la sheegay inay iyaduna indho feejigan ku eegayso sida uu mashruucani u socdo, waxaana la sheegay dad ay soo wakiilatay inay qawadeen qaabka ay hawshu u socoto.

Comments are closed.