Dumarka Midabkooda Maarriinka Yahay Oo La Ogaaday In Ay Si Hawl Yar U Soo Jiitaan Qalbiga Ninka: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
973

 

maarinHargeysa (Googooska Geeska)- Midabka ugu quruxda badan ee qofku yeelan karaa waa dood murankeedu abidba dhex yaallay bulshooyinka kala duwan ee dunida, waxaa si gaar ah oo xooggan wax la isaga weydiiyaa saamaynta uu midabka gabadhu ku leeyahay shucuurta ninka iyo midabka ugu saamaynta og qalbiga ninku ka uu yahay. Waa dhab in bulshooyinka kala duwan ee dunida, gaar ahaan kuwa ku kala fog dhinaca dhaqanka, midabka iyo xataa diintu ay siyaabo kala duwan uga jawaabi doonaan su’aashaa, laakiin haddana taasi meesha kama saarayso in uu jiri karo midab gaar ah oo si guud u wada saameeya laabta ninka.

 

Cilmi baadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 71 raggu ay xiiseeyaan gabadha midabkeedu mas-ciideedka yahay ee timaha madow. Ragga qaar ayaaba ku sii talax tagay oo sheegaya in marka ay indhahoodu qabtaan gabadha midabkeedu maarriinka yahay ay dareemaan xasilooni dheeraad ah, deggenaanshiyo iyo amni, shucuurtaas oo aad uga badan ta ay dareemaan marka ay gabadhu tahay caddaan ama casaan xoog ah.

Sida daraasaddan ku cad gabadha midabkeedu maarriinka yahay waxa ay qalbiga ninka iyo shucuurtiisaba u qabsan kartaa si ka xawaare badan kana awood badan gabadha midabkeedu caddaan ama casaanka yahay, waxaana laga hadlayaa waa daymada koowaad, oo macnaheedu yahay in marka uu ninku isha ku dhufto gabadh midabkeedu maarriin yahay in ay si dhaqso badan dumarka midabbada kale ah ay shucuurtiisa u soo jeediso.