Xukuumadda Oo Meel Banaan Ku Daadisay Danyartii Shacabka Laga Raray

0
729

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Hargeysa(Geeska)-Dadkii danyarta ahaa ee toddobaadkan laga raray xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa ayaa lagu daadiyay meel banaan, halkaas oo ay ka cabanayaan dhibaatooyin soo waajahay.

Dadkaa danyarta ah oo u badan dumar iyo carruur, ayaa saxaafadda u sheegay inay dhibaatooyin kala duwani ku haystaan goobta la dejiyay oo aan lahayn imkaaniyaadkii nolosha, “Wax kasta aanu ku qabnee waxaanu degenayn magaalo, halkana dhibaato ayaanu kala kulanay.” Sidaas waxa tidhi haweenay da’ ah oo warbaahinta la hadashay, waxaanay intaas raacisay inaanay xukuumadda ka filayn in sidaas loola dhaqmo.

Gabadh kale oo curyaamad ah oo haysata saddex carruur ah ayaa iyaduna muujisay siday uga xuntahay cidlada lagu daadiyay, “Anigu dadka waxaan kaga xag jiraa waxaan ahay qof curyaan ah oo xataa berkadaas biyaha kama soo dhaansan karo.” Ayay tidhi gabadhaasi.

Gabadh kale ayaa iyaduna tidhi, “Waad arkaysaan oo waxa lanagu daadiyay meel banaan oo cidlo ah, waana xagaa oo habeenkii iyo maalintiiba waxa na haysata dabayl xoog badan.”

Badhasaabka Hargeysa iyo maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa ayaa iyaguna difaacay qorshaha dadkaas lagu raray. Labadan masuul oo u waramay telefishanka HCTV, waxay sheegeen in dadkaas laga raray dhul dawladeed oo aanay lahayn haddana la dejiyay dhul ay iyagu iska leeyihiin, sidaas daraadeedna aanay wax dhibaato ah u arkayn in meel ay leeyihiin la dejiyay.

Dadweynahaas danyarta ah ayaa lagu raray xoog iyo awooda ciidamada Booliska, waxaana qaar ka mid ah uu dhaawac ka soo gaadhay hawlgalkii lagu rarayay oo lagu beegay salaadii subax ee subaxnimadii khamiistii.’