Komishanka SOLNAC Oo Beeniyay War Uu Wargeyska Afka Dawladda Ku Hadlaa Ka Qoray

0
804

Hargeysa(Geeska)-Komishanka la dagaalanka iyo ka hortagga AIDS-ka ee SOLNAC ayaa beeniyay jiritaanka war uu baahiyay Wargeyska afka dawladda ku hadla ee Dawan.

Agaasimaha wacyigelinta ee koomishankaas Yuusuf Nuur Maxamed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray, wuxuu ku yidhi, “Waxa ku soo baxay wargeyska dawladda ee DAWAN Cadadkiisii 2889 ee soo baxay Sabti 16/07/2011, war dhaleecayn ah oo ku saabsan waxqabad la’aanta SOLNAC iyo agaasimaheedda.

Lagana sheegay muwaadin la sheegay inuu la nool yahay xanuunka HIV/AIDS ILAAHAY ha ka kor-qaadee.

SOLNAC markii ay eegeen qoraalkaas isaga ah dabo-galna ku sameeyeen magaca qofka la isticmaalay waxay isku qanciyeen:-

1- Inaanu jirin qof magacaa leh oo xidhiidh la leh SOLNAC.
2- Inaanu jirin cid xanuunka la nool oo haba yaraatee loo diido inuu xafiiska SOLNAC yimaado, qofkaasina haddii uu jiro waxba kama duwana muwaadiniinta kale ee la nool xanuunka ee xafiiska xidhiidhka joogtada ah la leh, iyadoo xafiiskani muhiimadda koowaad siiyo dabosocoka,daryeelka iyo dawaynta dadka xanuunkan la nool uu ku dabo galo Ha’yadaha u xil saaran ee ku shaqada leh.

Waxa ceeb ah in Joornaal ku hadlaya afka dawladdu uu cinwaanka ugu sareeya ku qoro dhaleecaynta Ha’yad dawladeed waxaan raad lahayn ama aan jirin isagoo Wargeysku og in shaqada xafiiskani tahay maamulka,kormeerka,jihaynta, isku dubo-ridka iyo ka hortaga faafida xanuunka HIV/AIDS.

Haddaba waxa haboonayd in Joornaalka masuuliyiintiisu nala soo xidhiidhaan si ay xaqiiqda u ogaadaan.

Waxaanu caddaynaynaa inaan warkaa ku soo baxay Wargeyska DAWAN ee lagu dhaleecaynayo SOLNAC uu yahay mid xaqiiqda ka fog, waxa kale oo aanu caddaynaynaa in sagaalkii bilood ee komishankan cusubi joogay uu sameeyay horu-kac ballaadhan oo dhinacyo badan leh. Waxaanu DAWAN kula tallinaynaa inay wararka hubiso ka hor inta aanay faafin.”