Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Aaska Marxuum Jaamac Gaas Mucaawiye

0
960

mucaawiye

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay ka qeyb galay Aaska Alle  ha u naxariistee Wasiirkii Hore ee Gaashaan-dhiga Marxuum- Jaamac Gaas Mucaawiye oo si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Naaso-hablood ee magaalada Hargeysa ka dib markii uu habeen hore  ka geeriyooday magaalada Hargeysa.

ILAAHAY ha u naxariistee waxa kale oo aaska marxuumka ka soo qeyb galay Wasiirro, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eg. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Ku Xigeenka UCID Md. Aadan Maxamed Mirre (Waqaf) iyo masuuliyiin ka socday xisbiyada KULMIYE iyo UDUB iyo Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay aaskii ayaa sheegay dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum- Jaamac Gaas Mucaawiye oo uu ku tilmaamay nin weyn oo u soo shaqeeyay dalkiisa. Waxaanu marxuumka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay marxuumku waxaanu ILAAHAY uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in marxuumku uu ahaa nin muxtarim ah oo dalkiisa taariikh badan ku lahaa isla markaana ka qeyb galay hanaankii dib u dhiska qaranimada Somaliland.