Xukuumadda Oo La Wareegtay Gurigii Mulkiilaha HCTV Iyo Bulshada Oo Cambaaraysay

0
742

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ula wareegtay gurigii uu Hargeysa ka degenaa guddoomiyaha iyo mulkiilaha telefishanka caanka ah ee HCTV Md. Farxaan Xaaji Cali Axmed.

Farxaan iyo sagaal ruux oo kale ayay xukuumadu toddobaadkii hore u gaysay waraaqo ay ku farayso inay toddoba maalmood gudahood ku baneeyaan guryaha dawladda ee ay ku jiraan. Farxaan ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu guriga ku wareejiyo dawladda shalay, inkastoo ay lacag badani dhismihiisa ka gashay. Laakiin ciidamada RRU ayaa subaxnimadii hore ee shalay ku waaberiistay gurigaas, iyagoo ciidamadu qoyska iyo carruurtii degenaa ku armay inay ka dareeraan. Waxaanay Farxaan iyo qoyskiisu si nabad ah uga baxeen gurigii.

Siyaasiyiinta Somaliland iyo ururada xuquuqal insaanka ayaa si adag u cambaareeyay talaabadan. Wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaale, oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa wax aan la liqi karin ku tilmaamay talaabadan, isagoo tilmaamay inaanay jirin baahi kedis ah oo sababtay in xukuumadu u baahantahay guriga uu Farxaan Xaaji Cali ku jiray, isagoo xusay in masuuliyiinta badan ee xukuumadu ay ku jiraan guryo dawladeed.

Axmed Yuusuf Xasan, oo isna ah difaacayaasha xuquuqal insaanka, ayaa sheegay in la wareegiga guriga Farxaan ay keentay wararka  iyo dareenka bulshada ee uu baahiyo telefishankiisa HCTV, “Waxaanu talaabadan u aragnaa cabudhin saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland lagu cabudhinayo.” Ayuu yidhi Mr. Axmed oo ku baaqay in xorriyadooda loo soo celiyo laba weriye oo ku xidhan magaalada Gabiley oo uu mid ka mid ahi ka tirsanyahay HCTV.