Milicsiga Halganadii Kala Duwanaa Ee Marxuum Maxamud Cabdi Shide Iyo Xuskiisa Maanta

0
751

Picture1Xuska Sanad guuradii ka soo wareegtay Maanta Maalinteedi November 1, 1998, waxay ahayd maalintii uu geeriyooday  halyeygii Saxaafadda Somaliland, ALLE ha u naxariiste, ha u nuuro Xabasha, Ilka neecow ugdooniyo ha ku siiyo naruuree, waxaynu ku xusaynaa Marxuum Maxamuud Cabdi Shide halgankii dheeraa ee uu u soo maray xoreyntii halgankii iyo in la helo Saxaafad madax banaan ooy ku cabiraan fikirkooda, waqtigii halgankii SNM. Qof kasta  oo bin’aadam ahi waxa uu leeyahay dareen iyo shucuur haga himiladiisa iyo hiigsiga noloshiisa, muujina kara afkaartiisa qofnimo, iftiimiyana  waxa uu aamisan yahay iyo waxa uu diidan yahay, sidaas daraateed waxa Marxuum Maxamuud Cabdi Shide,  uu ahaa halyey ku adag mabdiisa, oo aan la gaban afkaartiisa, taa waxa ku marag furaya badheedhihiisa qofnimo ee waqtigii halganka tan iyo markii la asaasay Ururkii SNM Sanadkii 6, April,1981 iyo ka hor, waxa uu Marxuumku  u ololayn jiray sidii Shacbiga reer Somaliland looga tuuri lahaa heeryadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre waxaanu si joogto ah u iman jiray Xeryihii Ciidamada Mujaahidiintu ku lahayd Bariga Itoobiya.  Haddaba markii la gaadhay in heshiis dhex maro labadii hogaan ee Siyaad Barre iyo Mingesta in Jabhadaha Labadooda Maamul ka soo horjeeda in dihnaca walba xayiraad saaran, waxaanu isagoo jooga dalka Imaaratka Carabta lagula kaftamay in Mujaahidiinta SNM ay noqonayaan wax Taliskii Siyaad Barre isku soo dhiiba iyo kuwa qaxoonti ku noqda dalka Itoobiya, mar haddii ay heshiiyeen  Labadii Maamul, oo Ururkii IGAD-na, dhexdhexaad ka tahay. Haddaba Marxuum Maxamuud Cabdi Shide ayaa wuxuu go’aansaday inuu iibsado Qori gaar ah, oo tiira dheer, dad badan ayaa is weydiiyey Qorigaasi muxuu ahaa?. Qoryaha baarudu rassasta qarxiya ay ka dhacdo mid yar iyo mid weyn toona maaha, Qorigaas uu Maruumku sitay waxau u lahaa kamara Video.  June 1988-kii, ILLAAHAY raxmadiisa ha ugu deeqe Marxuum Maxamuud Cabdi Shide waxa uu duubay Cajalado muujinaya muuqaalka Diyaaradihii Faqashta ee ka kacay Madaarka Hargeysa, oo duqeenaya isla Magaalada Hargeysa, sidaasna waxa uu ku noqday Qofkii ugu horeeyey ee Caalamka u bandhiga muqaalkii dhabta ahaa ee Hargeysa, waagaas duqeyntii Diyaaradaha iyo garaacistii Madaafiicdu isu badalayeen muuqaalo kale oo badan oo ay ka mid ahaayeen sawiro xaqiijinaya sida Taliskii Siyaad Barre dagaalkaas ugu isticmaalay gargaarkii Caalamku ugu deeqay Dawladdii Somaliya, waxay ay gaadhay Dawladaha Caalamka oo dhan, waxaanu ka dooday Aqalka Kongaraska Maraykanka, dooda iyo dacwadaa waxa ka dhashay in Dawladda Maraykanku ka joojisaa macawinaddii ay sii jirtay Taliskii Siyaasad Barre. Waxa kale oo Marxuumku duubay xiligaas Cajalado badan oo kale oo dhammaantoodba lagu baahiyey Dunida, kuwaas oo ilaa Maanta u ah astaan Xasuuqii, duqeyntii, qaxii, baro kacii iyo dalan doolkii naf iyo maalba inuu Caalamka gaadhsiiyo xaqiiqda dhabta ah; ayuu kala kulmay hoggaankii Ururkii SNM, oo uu hogaamiye u ahaa Axmed Siillaanyo, in la yidhaa waa Basaas, in la xidho, oo Dawladdii Itoobiya loo gacan galiyo, markii aan ka daba tagay aniga oo Muuse Dhagaweyne ah, waxay Saraakiishi Itoobiyaanka ahaa, ii sheegeen inuu u xidhan yahay Maamulka SNM. Waqtigii goonni isu taagga ILLAAHAY ha u naxariiste Marxuum Maxamuud Cabdi Shideh, markii uu dhamaaday Dagaalkii dib u xoreynta ee Jamhuuriyada Somaliland, gaarkeeda isku taagtay, waxa uu bilaabay olole dib loogu soo noolaynayay adeegii guud ee burburay, waxa uu markii u horaysay ku dhiiraday inuu dalka keeno qalab daabacadooda oo casri ah (Madbacad), Sanadkii 1995, isaga oo aan eegin xaaladda nabadgeliyada dalka, taasi waxa ay mugdiga ka saartay Saxaafadda Somaliland oo markaas ku soo bixi jirtay qalabka loo yaqaano (Istansel), sidaasna waxa ku soo abuurmay Shirkada Jamhuuriya oo noqday Wargeyskii u horeeyey ee ku soo baxa daabacada casriga ah. Maxamuud Cabdi Shideh ALLE ha u naxariiste waxa uu ahaa hormoodka Saxaafadda xorta ah, ee Somaliland Tooshka u shiday, Marxuumku waxa kale oo uu qeyb laxaad leh ka qaatay hirgelinta Shirkado waaweyn oo ka shaqeeyan Boqolal Qof oo Muwaadiniin ah. Haddii aynu wax yar ka xusno hal ku dhegyadiisi dhinaca Saxaafadda Xoriyatul qawlka iyo xuquuqul isaanka waxa ka mid ahaa “Saxaafadda madax banaan ee Somaliland, waa in aanay u adeegin dan gaar ahaaneed ee ay u adeegto danta guud, 17,November  1995 Maalintii xuska Saxaafadda madaxa banaan, waa ilaaliyaha hantida iyo karaamada Umadda”.

“Saxaafadda madaxa banaan waa in aanay shakhsina ka garawsan sida uu jecel yahay ee ay raaligeliso Bulshadeeda”. “Waa in la ilaaliyo xuquuqda dadka iyo xoriyada hadalka”.

Mar lagu tilmaamay inuu asaasay jaraa’iidkii xidigtii octoobar wuxuu yidhi “Ma nihin xidigta octoobar, ee waxaad noogu yeedhaan xidigta May” Iyo qaar kale oo badan oo aan halkan ku soo koobi karin. Haddaba iyadoo ay Somaliland ka hirgashay Saxaafadd madax banaan oo tiro badan, maxay kala kulantaa. Maamuladii iskaga dambeeyay ee soo maray Somaliland, waxay talaabooyinka horumarineed iyo fikirkaa dhowrista xoriyadda Saxaafaddaba kaga jawaaban hagar daamayn iyo xadhig joogta ah. Waxa Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo gadhwadeenka ka yahay ay soo kordhisay dhaqan cusub, oo ah in la xayirro alaadaha ay adeegsadaan bahda Saxaafadda madax banaan. Haddaba aniga oo ah Mujaahid Muuse Dhagaweyne waxaan fursadan taariikhiga ah jecal ahay inaan fariin gaadhsiiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo, oon xasuusiyo kaftankii ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenkii Ururkii SNM  ALLE ha u naxariiste Cali Wardhiigley, oo ahaa “Reer Waqooyi markaan soo dhexgalay, waxaan ogaaday in aanay Somali jacayl noogu iman ee ay ahayd iyagoo soo kala yaacay si ay u kala badbaadan, Muddane Madaxweyne waxaad ku dadaasha in aanu kaftankaasi  rumoobin.”