Kalfadhigii Shalay Ee Golaha Wakiilada Oo Baaqday Iyo Cirro Oo Sababta Keentay Sharaxay

0
558

Picture5Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa ka hadlay u jeedada uu u baaqday kal fadhigii 26-aad ee Xildhibaanada Aqalka Golaha Wakiilada oo loo balansanaa in uu dib u furmo maalintii shalay,ka dib muddo fasax ah oo ay mudanayaashaasi ay ku maqnaayeen,waxaana uu sheegay in ay ka shir guddoon ahaan ay qorshaynayaan hawlihii qorsha hawleedka ahaa ee Kalfadhiga 26-aad sidaas awgeedna ay muddo Afar cisho ah ay mudanayaashu fasax gali doonaan,kadibna uu kalfadhigu sidiisii caadiga ahayd uu dib ugu furmi doono 15-ka bishan aynu ku jirno oo ku began maalin Sabti ah.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahint uu kula hadlaayey magaalada Hargeysa.“Maanta oo sabti ah waxaa mudaysnaa kalfadhiga 26-aad ee golaha wakiilada.Markaa waxaanu ka shir-guddoon ahaan aanu isla meel dhignay si loo dhamaystiro qorshe hawleedka kalfadhiga la qabanayo iyo hawlihiisa in aanu golaha Afar maal mood oo shaqo aanu dib u dhigno,Sabtida danbana uu furmo isaga oo qorshahiisii iyo hawlahiiisii ay dhamaystiran yihiin oo bilaaban doona Sabtida soo socota  oo bishu ay tahay 15-tahay intaasaanan jecelahay in aan ku wargeliyo shacbiga iyo Saxaafadaba “Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIrro).

Guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadalkiis sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale meesha uu ka saaray in ay jiraan wax khilaaf ah oo sababay in Kalfadhiga mudanayaasha Aqalka Wakiiladu uu dib u furmo,waxaana uu tilmaamay in uu ka guddoomiya ahaan uu xaqiijinaayo in Kalfadhigu uu sidiisii caadiga ahayd uu dib u furmi doono maalinta Sabtida ee soo socota.

“Wax khilaaf ah oo baajiyey ma jiro,laakiin hawsha sidii aanu qorshaheeda aanu u samayn lahayn ayuunbaanu shir guddoon ahaan aanu isla garanay Afar-taa maal-mood,waxaanan uun aan idiin xaqiijinayaa in uu kalfadhigu uu furmi doono Sabtida soo socota,si wanaagsana uu haddii Illaaahay ka dhigo uu u furmi doono”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro).