Xukuumadda Oo Ka Hortimid Shir Uu Sucuudigu Qaban Qaabiyay Oo Somaliland Laga Reebay

0
941

 

Hargeysa(Geeska)-Wasaarada arimaha dibada ee Somaliland ayaa ka soo horjeedsatay shir dalka Sucuudigu uu martigaliyay oo lagu marti qaaday dalalka bada cas kulaala oo ay Somaliland ka maqantahay.

Wasaarada arimaha dibada ee Somaliland  ayaa  qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in aanay aqbalayn ururkan oo ay sharci ahaan ahayd inay ka mid noqdaan balse laga waji dadbay Somaliland, waxaanay Somaliland ka soo hor jeedsatay in aanay dal kale u daba fadhiisanayan bada caalamiga ah ee ku dhararab  badeeda oo mudo dheer ay sheegtay inay ka hortaagnayd Somaliland  Budhcad Badeeda iyo aragaxisada.

Qoraalka waxa ay wasaaradu ku tidhi“ Somaliland waa dal madax banaan dal kale uma daba fadhiisanayso  xuduudayada bada, Somaliland waxay aqoonsantahay muhiimada istaraatiijiyadeed  ee bada cas ay u leedahay amniga iyo xasiloonida gobalka mabda’  ahaana way soo dhawaynaysaa  baahida loo qabto  horumar guud iyo ilaalinta biyahaasi.

Sababta ay u ogsoontahay Somaliland waxay tahay iyada oo ay inbadan ka go’nayd Somaliland ilaalinta biyaha caalamiga ah ee ku dhararan 850 Km oo ay tahay xeebta Somaliland oo ahayd mid ka nabdoon budhcad badeed iyo argagixisoba.”

Somaliland ayaa sheegtay in aanay ogolaanayn urur ay qayb sharci ka yihiin laakiin ay ka maqan yihiin iyada oo lagu salaynaayo arimo siyaasadeed,waxa qoraalka sida oo kale lagu sheegay in arimaha amniga la xidhiidha guud ahaan ay Somaliland kala sii shaqayn doonto dalalka bada cas ku teedsan.”

Shirkan ay Somaliland ka soo horjeesatay waxa lagu soo gabogabeeyay dalka Sucuudiga iyada oo ay ka qaybgaleen dalalka Urdun,Sucuudiga,Masar,Erateriya,Yaman, Somaliya iyo Jabuuti.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here