Hay’adda ICAO Oo Bishan Nayrobi Ku Qabanaysa Shir Lagu Qiimaynayo Maamulka Hawada Ee Dawladda Soomaaliya

0
827

 

Hargeysa(Geeska)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista ee  ICAO ee hore gacanta ugu haysay maamulka Hawada ee Soomaalida balse dhawaan ku wareejisay dawladda Soomaaliya ayaa 13ka bishan magaalada Nayrobi ku qabanaysa shir lagu qiimaynayo mudadii ay dawladda Soomaaliya gacanta ku haysay maamulka hawada.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in shirkan ka dhacaya Nayrobi 13 January lagu qiimayn doono mudadii ay dawladda Soomaaliya gacanta ku haysay iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Si rasmi ah looma oga in shirkan lagu casuumay dawlada Somaliland amaba ay ka war qabto, laakiin arrimaha shirkan dawladda Soomaaliya wax lagaga weydiin doono waxa la filayaa inuu ka mid yahay  Somaliland oo ku gacan saydhay dawladda Soomaaliya inay maamusho hawada Somaliland.

Waxa kale oo dawladda Soomaaliya la weydiin doonaa sharciga duulista rayidka ah oo ka mid ah qodobadii ay dawladda Muqdisho saxeexday inay soo diyaarin doonto mudada loo qabtay oo bishan ku eeg, waxaana xeerkaas ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo aanay weli ansixin aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa aaminsan haddii ay ku guuldaraysato qiimaynta ICAO, inay suurtogal tahay in dib ay Qaramada Midoobay ula noqon karto  maamulka hawada.

Dawladda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo shirkan iyo in lagu martiqaaday ayaanay noo suurtogelin, laakiin dad khubaro ah oo arrimahan la socda oo uu Geeska Afrika la xidhiidhay ayaa tilmaamay inaan Somaliland wax dan ahi ugu jirin shirkaas, islamarkaana aanay haboonayn inay ka qayb gasho xataa haddii lagu casuumay, maadaama oo lala xisaabtamayo dawladda Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here