Maalqabeenka Adduunka Oo Furniinka Xaasasku Ay Noqotay Dhibta Ugu Badan Ee Hantidooda Yaraysa

0
899

 

Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sii rumoobaya halkudhegga sannadihii u dambeeyey adduunyada la isla dhex marayey ee sheegaya in dhaqaalaha dadka ladani joogto u sannad kasta sii kordhayo, inta saboolka ahna hayntoodu hoos u sii dhacayso.

Sahamintii u dambaysay ee Bilyanneer tilmaamaha Bloomberg oo natiijadeeda la faafiyey jimcihii 3-da Jeenaweri ayaa daaha ka rogtay in sannadkii 2019 ka ay lacagta 500 ee qof ee adduunka ugu maalqabeensani korodhay boqolkiiba 25, taas oo u dhiganta 1.2 tirilyan oo doolar in ay faa’iideen. Wadarta guud ee lacagta ay haystaanan tahay 5.9 Tirilyan oo doolar.

Mulkiilaha iyo agaasimaha Facebook ayaa ay warbixintu sheegtay in uu 2019 kii faa’iiday lacag dhan 27.3 Bilyan oo doolar, halka aasaasaha shirkadda Microsoft ay isagana lacagtiisu korodhay boqolkiiab 22.7 Bilyan oo doolar.

Laakiin Ninka adduunka ugu maalqabeensan oo ah mulkiilaha suuqa internet ka ee Amazon ayaa ay isaga lacagtiisu sannadkaas hoos u dhacday.

Jeff Bezoz ayaa ay lacagtiisu sannadkii 2019 ka hoos u dhacday qiyaas ah 9 Bilyan oo doolar, waxa aanu ka mid noqday 52 maalqabeen oo uu hoos u dhac ku yimi sannadkaas. Laakiin arrinta xiisaha leh ayaa ah in sababta ay lacagta Jeff Bezoz hoos ugu dhacday aanay ahayn khasaare ganacsi oo ku yimi, balse ay tahay furniinka xaaskiisa oo kallifay in uu bixiyo lacag aad u tiro badan. Sida ay qabaan shuruucda furniinka ee inta badan ee dalalka Reer galbeedku.

Mulkiilaha shirkadda Amazon iyo xaaskiisa MacKenzie Bezos oo ah qoraa iyo samafale ayaa kala tegey bishii afaraad ee sannadkii hore. Lacagta uu Jeff Bezoz ku celiyey xaaska uu furay ee MacKenzie Bezos ayaa sababtay in ay ka mid noqoto saddexda dumar ah ee adduunka ugu maalqabeensan, kaddib markii ay xaq ugu yeelatay in uu shirkadda Amazon ka siiyo saami qiimihiisu dhan yahay 36 Bilyan oo doolar, taas oo u dhiganta boqolkiiba 4 shirkadda Amazon.

Inkasta oo Jeff Bezoz uu weli u hadhsan yahay saami qiimihiisu dhan yahay 143 Bilyan oo doolar, haddana waxaa sannadkaas soo foodsaaray hoos u dhac ka reebay rag badan oo ay tartamayeen.

Korodhka xawaaraha ku socda ee maaliyadda maalqabeenka Maraykanka iyo hoos u dhaca isaguna xawaaraha ku socda ee dakhliga dadka saboolka ah ayaa ka mid ah arrimaha loogu doodda iyo hadal haynta badan yahay dalka Maraykanka. Waxa aanay dad badan ku abuurtaa cadho ay ka qabaan siyaasadaha dawladda ee ku waajahan la macaamilka maalqabeenka, gaar ahaan xaddiga cashuuraha ay ka qaaddo dawladdu.

Xisbiga Jamhuuriga ee talada dalka haya ayaa ay siyaasaddiisu tahay in maalqabeenka laga yareeyo cashuuraha si ay fursad ugu helaan in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq badan oo keena in dad badan ay shaqaalaysiiyaan. Laakiin dimquraaddigu waxa uu ku doodaa in cashuurta lagu kordhiyo dadka maalqabeenka ah si ay dawladdu u hesho dakhli fiican oo ay shaqooyin ku abuuri karto, isla markaana cashuurta laga yareeyo dadka saboolka ah si ganacsigoodu u kobco.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here