Xukuumadda Oo Ka Hadashay Waxyaabaha Hoos U Dhigaya Horumarka Adeegyada Bulshada Ee Gobollada Bariga

0
789

Ceel Af-weyn (Geeska) – Wasiirro ka mid ah Xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb-galay Munaasibad lagu soo dhaweeyay Jabhad la baxday ‘Xaq-doon’, kuwaasi oo dhawaan sheegay inay ka goosanayaan Somaliland, balse arrinkoodii waan-waan lagu soo afjaray.

Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo hadallo ka jeediyey Munaasibadda lagu shaaciyey in la soo afjaray Jabhaddii la baxday ‘Xaq-doon’ ayaa si isku mid ah u sheegay in dhibaatada Horumar la’aaneed ee ka jirta Gobollada barigu tahay mid ka dhalatay amniga deegaannadaasi oo aan la isku hallayn karin, maaddaama oo had iyo jeer Dawladdu ku mashquulsan tahay walaalaynta Beelaha dagaalama, taasna uu kharash ka badan kii Horumarka deegaannadaa lagaga shaqayn lahaa uu Dawladda kaga baxo.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarka Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Nabaddaa ka kow ah Horumarka, haddii Cidi aamini waydo meeshii aad ku noolayd, haddii Qofku uu lafahiisa uga baqo oo ugu yaraan uu is yidhaahdo Xabad Seeraaro ah baa kugu dhici doonta, horumar ma imanayo, ta labaadna Horumarka inteenii waynu qabnaa, waxaynu siisanay Xabad, Shidaal, Ciidan la soo kiciyo oo la kala dhex galo reero is-laynaya, haddaynu dhigi wayno Qoriga oo aynu maalin walba iskula yaacno, intaynu xaqa u lahayn Horumarka ee Xarumaha Caafimaadka lagu dhisi lahaa (MCH), Iskuullada iyo Saldhigyada lagu dhisi lahaa in ka badan baynu ka qabnaa Dawladda.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay haddii arrinkii Jabhaddu dhamaaday isla-markaana ay hadda nabadgalyo tahay “Arrintu waxay ku urursan tahay waa Nabadgalyo, haddaan Nabadgalyo jirin Bani-aadamku silic ayuu ku nool yahay, Somaliland waxay u kala horumarsan tahay sida Nabadgalyadeedu u kala taabbo Gashan tahay, Iskuulladeeda iyo Jaamacadaheedu waxay u kala wanaagsan yihiin sida Nabadgalyadu u kala horumarsan tahay, Mucaawimadu waxay u kala tagaysaa siday u kala horumarsan tahay, markaa shayga keliya ee Aadamaha Noloshiisu ku jirtaa waa Nabadgalyo, haddaydaan Nabadgalyada nagala shaqaynayn halkaanu horumarka marinaynaa.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha guduhu.