Suldaan Ku Baaqay In Wax La Taro Dadka Uu Dhaqaale Ahaan U Sameeyay Xanuunka Covid_19

0
420

Hargeysa (Geeska) – Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka hadlay saamaynta uu koronuhu ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha dadka, waxaanu ku taliyey in dadka loo caawiyo siday u kala jilicsan yihiin.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Guddida Covid 19 ee uu Madaxweyne ku xigeenku Guddoomiyaha ka yahay runtii wey dadaalaysaa, si joogto ahna wacyigelinta ka hor taga xanuunka Covid 19 way u soo daysaa, umaddana way ku wacyi-gelisaa, si la iskaga ilaaliyo, markaas waxaa dadka looga baahan yahay inay farriimaha wacyigelinta qaatan, aad iyo aadna iskaga ilaaliyaan Covid 19”.

Mar uu ka hadlayey saamaynta uu Covid ku yeeshay nolosha dadka iyo caawimadooda ayaa wuxuu yidhi “Deegaan kasta iyo Gobol kastaba hadda waxaa ka jira Guddiyo is abaabushay, dadkii uu sida gaarka ah saamaynta ugu yeeshay xanuunka Covid 19, gaar ahaan Macalimiintii, sida loo caawiyey ee wax loo taray aad baan ugu faraxsan nahay, dadka danyarta ee jilicsan in si gaar ah hoos loogu eego oo wax la taro ayaan soo jeedinayaa, waliba marka hore waa in iyaga laga fuudh yeelaa, oo wixii karash iyo raashin ahba lagu caawiyo, dadku siday u kala jilicsan yihiin waa in loo caawiya”.