Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Dalka Djibouti Iyo Wasiirka Daakhiliga Oo U Hanjabay Shacabka Mudaharaadaya

0
541

Jabuuti (Geeska) – Labadii Maalmood ee u dambeeyay waxa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ka socday Dibed-baxyo ay dhigayaan qaybo ka mid ah Shacabka Dalkaasi.

Dibed-baxyadan ayaa bilaabmay, ka dib markii Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho ee Internet-ka lagu baahiyey muuqaal uu iska soo duubay Fu’aad Yuusuf Cali oo ka mid ah duuliyeyaasha Ciidammada Jabuuti, kaasi oo muddo dhowr bilood ah ku xidhan Xabsi Magaciisu yahay Gabood oo ku yaalla Magaalada Jabuuti.

Muuqaalka oo si weyn ugu faafay Baraha Bulshada ayaa wuxuu fu’aad ku soo bandhigay halka uu ku xidhan yahay oo ah mid ka mid ah Suuliyada Xabsiga, arrintaasi oo sababtay dibed-baxyada labadii Maalmood ee u dambeeyay ka dhacayey dalka Jabuuti.

Fu’aad ayaa Jabuuti xidhay, ka markii ay u soo gacan-gelisay Itoobiya oo uu markii hore Magangalyo waydiistay, sida ay sheegtay Xaaskiisa Samiira Jaamac Cabdi oo u warrantay Telefiishanka HCTV.

Samiira waxay sheegtay in Ninkeeda Xadhiggiisa ay dibed-baxyadu ka bilaabmeen muddo dheer lagu hayey dhibaato, taasi oo kaga imanaysey Taliska Ciidammada Cirka ee Jabuuti “Dhibka keentay inuu dalka ka baxo (markii hore) waxa weeyaan Ninka haysta Xeradooda, kaasi oo Duuliye-nimadii ka joojiyey, Mushaharkiisiina ka xidhay.” Ayay tidhi Samiira, waxayna intaa ku dartay in Maalin Maalmaha ka mid ah uu Diyaaraddii laga joojiyey Duulinteeda uu isagoo cadhaysan uu muuqaal isaga soo dhex duubay, ka dibna Taliyaha Xeradu uu amray in la xidho, laakiin aanay jirin diyaarad uu la baxsaday “Isagoo cadhaysan ayuu Diyaaradda gudaheeda isaga duubay Muuqaal (Diyaaradda oo fadhida Gudaha Garoonka diyaaradaha), markaa diyaarad uu la baxsaday ma jirto ee waa wax lagu cambaaraynayo.”

Xaaska Fu’aad waxay ka warrantay sida uu Fu’aad uga baxsaday Jabuuti ee uu Itoobiya ku tagay “Ninka Xerada haystaa markuu arkay Fu’aad oo Diyaaradda fuushan ayuu u dalbaday Sirdoonka, Booliska iyo Jaandaaranka, markaas ayaa Ciidankii (Xeradu) ka fureen Albaabka dambe ee Xerada, sidaas ayuu ku baxsaday oo uu Itoobiya ku galay, markii uu Itoobiya galay wuxuu samaystay Warqad Magangalo ah si uu Itoobiya ugu dhex noolaan karo, waanna loo ogolaaday (Magangalyada), laakiin Sirdoonka Itoobiya iyo Sirdoonka Jabuuti ayaa heshiiyey soona dhiibay, Baasaaboor been abuur ah inta loo sameeyay ayaa Diyaarad Jabuuti leedahay lagaga soo qaaday Madaarka Addis Ababa oo lagu keenay Jabuuti.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay in inta uu Xabsiga ku jiray hal habeen la geeyay Maxkamadda “Inta uu Xabsiga Gabood ku xidhan yahay, hal Habeen ayay Maxkamadda geeyeen, Caddaaladani meesha ma jirto, halkee lagu arkay Qof Maxkamad Habeennimo la geeyo, habeenkii markii Maxkamadda la saarayna wuu diiday inuu hadlo, waxaanu yidhi Qareenkayga hala keeno, markaas ayaa Jeelka lagu celiyey.”

Dibed-baxyada ayaa bilaabmay Habeennimadii Arbaca, waxaana Jimcihii Shalay ay dibed-baxyadu u gudbeen Gobolka Cali Sabiix, waxaana muuqaalo lagu baahiyey Baraha Bulshadu muujinayeen Dad cadhaysan oo Taayiro ku gubaya Jidadka.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti oo isaguna Jimcihii Shalay ka hadlay Dibed-baxyada ka dhacay Jabuuti ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in amniga dalka la waxyeeleeyo, waxaanu ku hanjabay in Ciddii ku dhaqdhaqaaqda Rabshad la soo xidhi doono “Cid kasta oo sharciga ku xad-gudubta waalla soo qaban doonaa sharciga ayaana la horkeeni doonaa”, ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti Muumin Axmed Sheekh.

Wasiirku ma soo hadal-qaadin Xadhigga Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali iyo waxay Dawlad ahaan ka yeelayaan.