Xukuumadda Oo ka Digtay Fidmo Ka Dhalata Nin Ka Soo Jeeda Degmada Qori-lugud Oo Lagu Dilay Bariga Buuhoodle

0
726

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka digtay Fidmo ka dhalan karta nin ka soo jeeda Degmada Qori-lugud oo Khamiistii lagu dilay deegaanka Dan-dan oo 20KM dhinaca bariga ka xiga Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo safar ku jooga dalka Turkiga, ayaa ka hadlay dilka ka dhacay deegaanka Dan-dan, waxaanu sheegay in ninkaas ka soo jeeda Qori-lugud la dilay, xoolo uu watayna la dhacay.

Wasiirka oo u warramay Telefiishanka HCTV, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Waxaan doonayaa inaan baaq nabadeed, mid Tacsi ah u diro dil ka dhacay meel Dandan la yidhaahdo oo 20KM dhinaca bariga ka xigta Magaalada Buuhoodle, markaa marka koowaad waxaan Tacsi u dirayaa guud ahaan Dadweynaha Buuhoodle, waxaan si gaar ah Tacsi ugu dirayaa Dadweynaha Degmada Qori-lugud, waxaan halkan Tacsi uga dirayaa Beesha, Jifada, Ehelka, Qaraabada, Reerka Nin Shalay lagu dilay  meel la yidhaahdo Dan-dan oo Qori-lugud u dhashay oo ay dileen Dad ka garandarani, ninkaasi oo la dilay, Xoolo uu watayna laga qaaday.”

Wasiirku wuxuu sheegay “Waxaan Ilaahay waydiisanayaa in Fidnooyinkaa socda inuu Aaggaas ka joojiyo, in wanaag iyo Xasarad la’aani ka dhacdo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlaya waxa uu u malaynayo inuu sababay dilkan “Gacan ka horraysay way jirtay, waxa jiray Nin dhowr sano maqnaa oo malaha Dadkaasi daba joogeen (Aano) sida aan u qaatay, laakiin Fidmadii way sii ballaadhatay oo  waxay yeelatay kordhin iyo dhibaato.”

Wasiir Qambi wuxuu si gaar ah farriin ugu diray Shacabka Buuhoodle “Dadweynaha Buuhoodle waxaan ku wacyi-gelinayaa  waar Fidmo aan ku ekaanayn Qofkii geystay kicinteedu waa dhibaato Adduun.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in hawshan wax ka qabadkeedii ay ku hawlan yihiin Waxgaradka Buuhoodle “Hawshaana waxa ku jira Odayaasha, Duqayda, Waxgaradka iyo Culimada Buuhoodle”

Geeska.net/Hargeisa Office