Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shalay Booqday Wasiir Maxamed Kaahin Oo Cisbitaal La Dhigay

0
748

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Shalay Xaalad Caafimaad loo dhigay Cisbitaalka Gargaar ee Magaalada Hargeysa.

Wasiir Maxamed Kaahin oo Xaalad Caafimaad la soo deristay, ayaa Dhakhaatiirtu kula taliyeen inuu nasto, waxaana la filayaa inuu Sabtida Maanta ka bax Cisbitaalka Gargaar ee la geeyay, sida loo sheegay Wargeyska Geeska Afrika.

Wasiirka ayaa waxa Shalay Cisbitaalka ku booqday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah Xukuumadda, si ay xaaladdiisa Caafimaad ula socdaan.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa ku jira Xaalad degannaan ah.

 

Geeska.net/Hargeisa Office