Xukuumadda Oo Hargeysa Ku Soo Dhaweysay Hogaankii Awdal State

1
633

Picture3Hargeysa (Geeska) – Dawladda Somaliland, ayaa shalay Magaalada Hargeysa ku soo dhaweysay hogaamiyihii kooxda la baxday Awdal State, ka dib markii toddobaadkii hore heshiis labada dhinac ku dhex maray Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Rashiid Aw Nuur Xirsi, oo ku Magacownaa Madaxwaynaha kooxdii dibad-wareega ahayd ee Awdal State oo ay wehelinaysa haweenay ku xigeen u ahayd iyo weliba xubno kale, ayaa waxa madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirada Shaqada iyo boosaha ee Somaliland.

Rashiid Nuur Xirsi, oo qolka nasashada ee Cigaal Airport, kula hadlay saxaafadda, ayaa ku dhawaaqay inay ka noqdeen Maamulkii dibad-wareega ah ee Awdal State, isla-markaana ka laabteen Mabda’ii Soomaali-weyn, kana shaqeynayaan midnimada iyo sidii Somaliland bulshada caalamka uga heli lahayd aqoonsi.

Rashiid Nuur, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa maanta (shalay) farxad noo ah sida qiimaha leh ee aad noo soo dhaweyseen idinka oo aan u kala hadhin haddii aad tihiin madaxdii iyo bulsho weyntii reer Somaliland, waxa kale oo farxad inoo wada ah in maanta (shalay) Awdal State ay ku soo guryo noqotay dhulkeedii hooyo, ka dib markii wahadallo u bilaabmeen Awdal State iyo Dawladda Somaliland, kaasi oo wejigiisii koowaad ka dhacay Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, wejigiisii horena ku dhammaaday is-afgarad iyo is faham dhaxal gal ah, kaasi oo dhaliyey imaantinkayaga maanta (shalay), walaalayaal waxaanu muddo wadnay daraasad cilmiyeysan, annaga oo wadatashiyo kala duwan la yeelanay bulshadayada, halkan waxaan ka caddaynayaa inaanu ka noqonay mowqifkii Soomaali-weyn, laga bilaabo maanta (shalay) waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qayb-qaadano oo aanu dhiirino midnimada ummadayada iyo gooni isu-taaga Somaliland, ayaanu diyaar u nahay”

Rashiid Nuur Xirsi, waxa uu soo bandhigay waxyaabihii keenay in la aasaaso kooxdii la baxday Awdal State “Ujeedooyinkii loo aasaasay Awdal State, ma ahayn in lagu burburiyo Somaliland, balse waxay ahayd in wax lagu saxo, waxyaabihii dhaliyeyna waxay ahayd Caddaalad daro baahsan oo ku dul dhacday shacabka reer Awdal, Caddaalad daradaasina waxay ka muuqataa dhinacyada saami-qaybsiga ee waaxaha dawladda iyo in si caddaalad ah loo qaybsado khayraadka dhulka, deeqaha ka yimaada caalamka, ha noqoto mid maadi ah ama ha noqoto deeqaha waxbarashada, markaan ka hadlayo caddaalad darada, maaha inay dawladda hadda jirta la bilaabantay ama sabab u tahay, waxaanu aamisanahay inay caddaalad daradaasi ka soo bilaabantay dhismihii koowaad ee dawladda Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ka dib, markaanu samaynay daraasad dheer, waxaanu garanay in danta shacabka reer Awdal ay ku jirto danta shacabka reer Somaliland, waayo waa dad wada dhashay oo dal wadaag leh, dab wadaag leh, deegaan wadaag leh oo aan sinaba u kala maarmi Karin, sidaa daraadeed waxa loo baahan yahay in shacabka reer Somaliland inay fahmaan waxa la yidhaahdo (Wax Wada lahaanshaha), Somaliland waa dal ay wada leeyihiin dadka ku dhaqan gobollada Galbeedka, Badhtamaha iyo Bariga, sidaa daraadeed waxa waajib ka saaran yahay qof kasta oo reer Somaliland ah inuu dalkiisa ka difaaco wax kasta oo khatar u keeni kara, taana wax ag-taala in dadka reer Somaliland u siman yihiin xuquuqda, maadaama oo ay yihiin dad wax wada leh”

Hogaamiyihii kooxda Awdal State ee dalka ku soo laabtay, ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan horumarinta Somaliland “Waxaanu wadnaa aragti cusub iyo yididiilo ku qotonto Caddaalad iyo Siinaan, ku qotonta in dalka loo raadiyo ictiraaf, si ay bulshada caalamka ula yeeshaan xidhiidh buuxa”ayuu yidhi.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ka mid ahaa masuuliyiinta xukuumadda ee soo dhaweeyay, ayaa isaguna yidhi “Waxa gurigiisii rasmiga ahaa ee Somaliland ku soo guryo noqday wefti ka socda Awdal State, oo uu hogaaminayo Madaxwaynihii Awdal State. Anniga oo ah wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, waxaanu leenahay Cabdirashiid, Madaxwayne ku xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee la socdaba waxaanu leenahay ku soo dhawaada (Somaliland) waa dalkiinii, waa dadkiinii, waxaad timaadeen dal nabad ah iyo dawladdi ka dhisan tahay, waxaanu idiin soo dhaweynaynaa si kalgacal leh”

Badhasaabka Gobolka Awdal, Cabdoo Axmed Aayar, oo ah masuulka xukuumadda u malatayey heshiiska kooxdan oo isna la socday weftiga Rashiid Nuur Xirsi, ayaa isaguna hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ku yidhi “Waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa mudane Rashiid Nuur iyo xumnaha kale ee la socda oo aan leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii iyo dadkiinii, runtii bini-aadamku fikrado wuu qaadan karaa ta ugu haboonna wuu qaadaa, Rashiid oo markii hore ahaa Awdal state, maantana (shalay) halka ayay ku soo noqdeen oo ah dalkoodii Somaliland, qaranimadeeda iyo midnimadeeda ayay la socdaan oo wax badan ay ka tari doonaan isku xidhnaanta iyo raadinta ictiraafkaba”

 

Comments are closed.