Machadka CSI Oo Tababar U Soo Xidhay Shaqaale Bartay Maamulka Xisaabaadka Dawladaha Hoose

38
824

Picture2Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, ayaa shalay Tababar u soo xidhay 36 xubnood isugu jiray Agaasime Waaxeedyo iyo shaqaalaha Xisaabaadka ee dawladaha hoose ee degmooyinka uu ka socdo Mashruuca JPLG oo kala ah Hargeysa, Boorama, Berbera, Gabiilay, Burco, Sheekh iyo Oodweyne.

Tababarkan oo bilaabmay 30-ka bishii November ee sanadkan, ayaa waxa Maalgalisay Hay’adda UN-HAPITAT, waxaana fuliyey Machadka Tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland ee CSI, waxaana mudadii tababarkaasi socday Masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka lagu baray duruus la xidhiidha Maamulka Xisaabaadka iyo sida loo ururiyo dakhliga dawladda.

Munaasibaddii xidhitaanka Tababarkan oo lagu qabtay xarunta CSI ee Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Agaasimaha Machadka Tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland ee CSI, Prof Maxamed Mixile Boqorre, Sarkaal ka socday hay’adda Un-hapitat iyo xubnihii tababarka la siiyay.

Agaasimaha Machadka Tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland ee CSI, Prof Maxamed Mixile Boqorre, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa hambalyeeyay shaqaalaha dawladaha hoose ee tababarku u dhamaaday, waxaanu sheegay in mudadii ay tababarka qaadanayeen ay muujiyeen dedaal iyo dhabar adeyg, si aqoonta la barayo ay uga faa’ideystaan, si ay hadhow shaqooyinki ay ummadda u hayeen ugu maamulaan “Tababarkan waxa Maalgalisay Hay’adda UN-Habitat, waxaana nagu daba joogtay Wasaaradda arrimaha gudaha, tababarkana waxa uu ahaa kii ugu cajiibsanaa, waxaana bixinayey oo aanu u soo xulnay Labadii Macalin ee ugu fiicnaa” ayuu yidhi Prof. Boqorre, waxaanu intaa ku daray “Machadka waxaanu ka furnay (Urban Management), waxaana laga helayaa aqoontii dibadda loo tagi jiray ee dawladda Lacagta badan kaga bixi jirtay”

Prof. Boqorre, waxa kale oo uu sheegay inay kor u qaadeen tayada tacliinta Machadku bixiyo “Annaga oo raacayna Awaamiirta Madaxwaynaha ee ahayd in awoodda shaqaalaha iyo aqoontooda la dhiso, waxaanu doonaynaa inaanu aqoonta shaqaalaha ilaa heer Wasiir aanu dhisno” ayuu yidhi, waxaanu u mahad-celiyey hay’adda Maalgalisay tababarkan iyo aqoonyahanadii fuliyey ee Machadka ka tirsanaa.

Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, oo ku hadlayay Magaca dadka tababarka qaatay, ayaa isaguna yidhi “Anniga oo ku hadlaya Magaca shaqaalaha Tababarka qaatay, waxaan u mahad celinaynaa hay’adda UN-Hapitat iyo CSI, Duruusta aanu qaadanay waxay ahaayeen kuwo aad loogu baahan yahay, waxaanan soo jeedinayaa in la sii wado”

Sarkaal ka socday hay’adda UN-Hapitat, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan ku faraxsanahay inaan idinka Maqlo in tababarkani ahaa mid wanaagsan, Tababarkani waxa uu ka mid yahay Mashruuca JPLG, waxaanu ahaa korta aqoonta shaqaalaha, si loo hagaajiyo adeegyada bulshada loo qabanayo”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, oo gabogabadii halkaasi ka hadlay isla-markaana shahaadooyinkoodii guddoonsiiyay shaqaalaha tababarka dhamaystay, ayaa u mahad-celiyey hay’adda Maalgalisay iyo Machadka CSI oo fuliyey tababarkan, waxaanu dardaaran u jeediyay shaqaalaha mudada tababarka ku jiray, waxaanu u soo jeediyay in aqoonta ay barteen ay ku dabaqaan shaqooyinka ay ummadda u hayaan “Aqoonta xisaabaadka ee aad barateen, waa inaad ku salaysaan (shaqooyinka aad haysaan)” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Maamulka dawladaha hoose waxay ku shaqeeyaan hanaanka xisaabaadkiina, haddaad qaladaan, way wada qaldamaysaa”

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, Maxamed Jibriil Yoonis iyo Prof. Maxamed Mixile Boqorre, ayaa sidoo kale si wada jir ah tababar ugu soo xidhay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaraddaasi oo muddo laba toddobaad ah tababar ku saabsan qiimaynta iyo hubinta sida hawluhu u socdaan uga socday Machadka Tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland ee CSI.

 

Comments are closed.