Cududii Axmed Dhagax iyo Gobalka Hawd Oo codkoodii ku biiriyay xisbiga Waddani

27
846

Picture4Hargeysa(Geeska)-Taageerayaashii ugu cuslaa ee degmada Axmed Dhagax iyo gobalka Hawd, ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbig mucaaradka ah ee Waddani oo ay cududooda la barbar istaagi doonaan.

Xisbiga Waddani ayaa taageerayaashaas u sameeyay xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Waddani,xildhibaano iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan. Guddoomiye Cabddiraxmaan Ciro ayaa taageerayaashaas ku tilmaamay sahankii ugu fiicnaa ee xisbiga Waddani sameeyay, waxaanu ku soo dhaweeyay qalbi furan.

Taageerayaashan xisbiga Waddani ku biiray ayaa dhaliilo u soo jeediyay xubihii ururka XAQSOOR ka midka ahaa ee sheegay inay  ku biireen xisbiga KULMIYE,waxaanay daboolka ka qaadeen inay garab taagan yihiin xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee Xisbiga Waddani Shiine Muxumed Idris  oo soo dhaweeyay taageerayaashaas.

Cabdixakiin Maxamuud Laan-gadhe oo isna ka mid ahaa xildhibaanadii golaha degaanka ee hore ayaa ku soo biiritaanka Waddani ka yidhi“Anaga oo isku duuban oo ah jamaahiirtii xaafada Axmed Dhagax oo iswata waxaanu tageero buuxda u haynaa xisbiga Waddani maanta laga bilaabo xisbiga Waddani waxa uu ka mid yahay xaafada Axmed Dhag,markaanu wada eegnay axsaabta dalka ka jira waxaanu qaadanay anaga oo isku duuban dagmada Axmed Dhagax ahaan inaanu hiil iyo hooba la garab istaagno Cabdiraxmaan Cirro oo sida cadceeda usoo ifaysa inuu noqon doono madaxweynaha Somaliland ee badali doono xukuumadda KUMIYE dalka iyo dadkiiba boobtay,wadanka Somaliland waxa uu ubaahanyahay isbadal siyaasadeed isbadalkaasina waxa weeyaan inaanu tageero buuxda la garab istaagno madaxwaynaha mustaqbalka ee xisbiga Waddani.”

Aamina Cabdilaahi Kaahin oo iyadu hoggaaminaysay inta badan taageerayaasha degmada Axmed Dhagax, ayaa sidan sheegtay “Hore halkaanu u raacnay ayaa foostay, maantana halkaanu raacno ayaa foosaysa hadaanu nahay xaafada Axmed Dhagax,maanta waxaan filayaa in layidhi madaxtooyadii ayaa inagu soo wareegtay oo aynu haleelnay oo aynu hananay.qolyo anaga ah oo maalin dhawayd lahaa KULMIYE qabiil baanu ku galnay oo XAQSOOR baanu nahay waxba kama jirin, waxaan idiin sheegayaa waxaan isku soo aragnay LONDON oo waxaanu isku ogayn in Waddani lagu biiro, inaanka Qabo oo aan Habaryar iyo Eedaba u ahay ayaan ku idhi ma laga yaabaa in lagu xidho waadigii halkaas ka hadlaaye,waxa uu igu yidhi eedo siyaasada aan ku tagaayo anigu ee aan ku baxsanaayo anigaa is og, kalmadaas mid dhab ah weeye.”

Aamina oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi“Hadaanu nahay xaafada Axmed Dhagax iyo gobalka Hawd oo qolo walba leh waxaanu ku soo biirnay xisbiga Waddani oo aanu raacnay oo aanu la soconaa, waxa murugo igu noqotay oo aanan ka seexan oo aan la ooyayaa in dadkii u soo dhintay ee u soo curyaamay SNM ay maanta gidaarada ku bakhtiyayaan oo waliba la leeyahay waa laydin xidhayaa, maanta laga bilaabo Madasha Wada Tashigana waan ku jiraa oo ka mid aayaan ahay,hadaan la wada tashan maxaynu isugu imanaynaa oo aynu isku afgaranaynaa,dawladayada maanta joogta aniga oo aan caayayn Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Aamina-waris walaalahaybay ahaayeen nolashaydiina waan u soo daayacay, wax aan mood iyo nool kala hadhayna may jirin, maantana hadii lay yidhaahdo wadadii xagaas ee KULMIYE mar calooshu way iga xanuunaysaa.Waddani ha guulaysato oo Waddani hays raaco inta hadhayna way ku soo biiri doontaa.haday wax garanayaan inamadayadii maalintii dhawayd yidhi KULMIYE ayaanu ku biirnay hablahoodii makaanka laga soo saaray,inamadoodii ku dhintay xaafada Axmed Dhagax maalintii la xusi lahaa may yidhaahdeen KULMIYE ayaanu ku biirnay.”

Sida oo kale Aamina Muuse ayaa iyaduna xafladan xisbiga Waddani ay kaga biirayeen ka tidhi“Dawladii KUlMIYE wax ay dalka iyo dadka u qabtay ma jirto, lugooyo ayuunbay tartay,iyada roobku nagu da’aayo ayaanu bar bar soconay madaxweynaha oo aanu soo dhawaynaynay,xaalkoodii hada waxa uu noqday inay caytamaan uun, hadaanu nahay gobalka Hawd iyo Axmed Dhagax waxaanu ku soo biirnay Waddani.”

Ugu danbtayntii xafladaas soo dhawaynta ah waxa soo gunaanday guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), isaga oo si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay taageerayaashaas xisbiga Waddani ku biiray“Runtii kalmadii halkan laga yidhi waxa ka mid ahaa (Ififaalihii guusha) oo uu yidhi xildhibaankii hore, (Sahanka Guusha) oo ay Hinda Jaamac tidhi,waxaan is leeyahay sahankii aynu sahaminay waanu ku guulaysanay maadaama oo aanu helnay degmada Axmed Dhagax iyo gobalka Hawd,waxaan madasha ku soo dhawaynayaa dhamaan taageerayaasha gobalka Hawd iyo Degmada Axmed Dhagax oo isugu jiro haween,dhalinyaro,odayaal,siyaasiyiin iyo culimo. Marka la ciyaarayo bakhtiyaanasiibka waxa jira tigidh la yidhaahdo lootari,waxaan is leeyahy maanta waxaad hesheen tigidhkii bakhtiyaanasiibka, maadaama oo ay inoo yimaadeen teegeerayaashii gobalka Hawd iyo Axmed Dhagax ee ay ka mid tahay Aamina Cabdilaahi iyo garabka haweenka ee xooga weyn ee la socda,waxaan is leeyahay hadii degmadii Axmed Dhagax ay timi Hargeysi waa ay wada timi.waxaan idiin sheegayaa dhamaantiin in aydaan noqon doonin ku soo biirayaal ee aad noqon doontaan dadkii talada xisiga wax ka goynaayay.”

 

Comments are closed.