Haweenaydii Ugu Horraysay Maayar Ka Noqotay Maagaalo Somaliland Ka Mid Ah

0
585

Buuhoodle (Geeska) – Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Buuhoodle, ayaa Gabadh Magaceedu yahay Khadiija Axmed Yuusuf u doortay Maayarka Magaaladaasi, halka ay mayor ku xigeena u doorteen Mustafe Cabdi Ayaanle.

Khadiija oo ka soo baxday Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee maayir loo doorto guud ahaan Somaliland.

Khadiija ayaa ka mid ahayd 3 dumarka ah ee kaliya ee ka soo baxay 28 haween ah, oo u sharaxnaa doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee dabayaaqadii bishii hore ka qabsoomay Somaliland.

Maayarka Buuhoodle oo hadashay markii la doortay ayaa tidhi “Waxaan ballan-qaadayaa si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto in aan ugu shaqeeyo dadkayga”

Maayar Khadiija waxay Codsi u dirtay Dawladda “Dowladdayda waxaan ka codsanayaa in ay si gaara iila shaqayso” ayay hadalkeeda sii raacisay Khadiija.

Xildhibaanada codka siiyay mayor Khadiija, ayaa sheegay in ay codka u siiyeen karti iyo hufnaan ay ku arkeen darteed.

Talaabadan ayaa ah mid aan hore uga dhici jirin guud golayaasha deeganada Somaliland, waxayna Khadiija noqonaysaa gabadhii ugu horaysay ee mayor loo doorto.

Geeska.net/Hargeisa Office