Xukuumadda Oo Buugaag Waxqabadkeeda Ka Hadlaya Ku Qaybisay Shir Deeq-bixiyaasha

1
636

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay shirk u dhex maray qaadhaan-bixiyayaasha caalamiga ah ku soo bandhigtay waxqabadkeeda, waxayna shirkaasi oo ka dhacay huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa ku qaybisay buugaag ka hadlaya waxqabadka xukuumadda ee sanadkii 2010 ilaa 2012-kii.

Sidoo kale, shirkan si khaas ah loogaga hadlayey Mashaariicda horumarineed ee deeq-bixiyaasha caalamiga ahi ka fuliyeen ama ka fulin doonaan Somaliland, ayaa Wasiirradii ka hadlay qaarkood waxay halkaasi ka jeediyeen khudbado ay si gaar ah ugaga hadlayaan waxqabadkooda shakhsiga ah.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaraddaasi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo labadooduba halkaasi ka hadlay ayaa jeediyay hadallo la mid ah kuwa loo jeediyo bulshada caadiga ah ee taageerada looga raadinayo xukuumadd iyo xisbigeeda “Miisaaniyadda waxaanu gudbinay bishii September ee sanadkan, waxaana ansixiyey Baarlamaanka October, baarlamaanka oo isku dhan laftiisa ayaa ansixiyay, Miisaaniyaddaasi waxay kor u kacday 21.6%, Miisaaniyadda Somaliland-na sanadka 2014-ka waa $ 212 Milyan, laakiin markii Madaxwaynuhu xafiiska qabtay 2010-kii Miisaaniyadda Somaliland waxay ahayd $ 47 Milyan” sidaa waxa yidhi wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo ka hadlayay bilowga shirka deeq-bixiyayaasha iyo xukuumadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa isaguna yidhi “Waxaanu kalsooni iyo rejo weyn ku qabnaa in Miisaaniyadda 2014-ku sidaa ay tahay ay ku soo bixi doonto”

Sidoo kale, qaar ka mid ah hawl-wadeenada Madaxtooyada Somaliland, ayaa dadkii shirkaasi ka qayb-galay oo u badnaa ajaanib ka socday dalalka deeq-bixiyayaasha ah u qaybiyey buugaag lagu daabacay waxqabadka xukuumadda ee labadii sanadood ee hore, kaasi oo sidoo kale lagu badiyey sawirrada Madaxwayne Axmed Siilaanyo, gaar ahaan safaradii inta uu xilka hayo uu ku tagay dalalka adduunka, sida Wadamada Yururb, Afrika iyo Khaliijka Carab.

Arrintan, ayaa la filayaa in masuuliyiinta xukuumadda ay halkaasi la gashay inay ololaha xukuumadda iyo taageerada ay u raadinayaan ay shirarka muhiimka ah ee deeqda beesha caalamka lagu xisaabinayo ay ku mashquuliyaan waxqabadkooda, iyada oo la heli karayo wakhtiyo kaga haboon shirkaasi oo kale.

Comments are closed.