Go’aamo Wax Lagaga Qabanayo FGM Oo Laga Soo Saaray Shirkii Guddida Xuquuqal Iisaanka

10
2077

Picture2Hargeysa (Geeska) – Shir Toddobaadkan Komiishanka xuquuqal iisaanka Qaranku ku soo gabogabeeyay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa laga soo saaray 7 qodob oo wax lagaga qabanayo gudniinka fircooniga ah ee hablaha dhibaatada ku haya.

Shirkan oo muddo laba maalmood ah socday isla-markaana komiishanka xuquuqal iinsaanka oo gacan ka helaya CARITAS soo qabanqaabiyey, ayaa gabogabadii laga soo saaray qodobbo muhiim ah in la suuliyo gudniinka fircooniga ah ee hablaha.

Guddoomiyaha Komiishanka xuquuqal iisaanka qaranka Somaliland Fadxiya Xuseen Axmed (Jaahuur) oo saxaafadda u akhriday baaqa ka soo baxay gabogabadii shirkaasi ayaa ku bilowday sidan:- “Markii shirku isla qiray dhibaatada cafimaad ee gudniinka gabadhuhu aannu jirin meel uu ku dhamaado.

Markii shirku aqoonsaday in dalalka Islaamka  ee gudniinka Gabdhaha lagaga dhaqmo ay  soo saareen sharci lagu xakameeyo gudniinka Gabdhaha.

Markii Shirku aqoonsaday in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu curisay siyaasadda gudniinka Gabdhaha balse uu ka maqan yahay mawqifkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Dhammaan culimada dalka.

• Waxa la garawsaday in arrimaha haweenka ee xaasaasiga ah ee u baahan bayaaminta shareecada islaamka, in aan looga maarmaynin culimo haween ah oo ku xeel dheer diinta oo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

• Shirka oo tixraacaya qodobadda kor ku xusan waxa uu isla garatay qodobadan:

• In Wasaaradda Diinta Awqaaftu iyada oo ka duulaysa dawladaha Islaamka, waa in ay gaadho mawqif midaysan (FATWA) oo lagu xakameeyo laguna joojiyo gudniinka gabdhaha.

• In Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu dardargeliso dhamaystirka siyaasadda iyo u hawlgalka sidii loo soo saari lahaa sharci lagu xakameeyo laguna joojiyo gudniinka Gabdhaha, iyagoo la kaashanaya Hay'addaha Sharci dejinta.

• In Golaha Wakiiladdu curiyaan, dhameystiraan, ansixiyaana Sharciga xakameynta iyo joojinta gudniinka gabdhaha.

• In Komishanka Xuquqda Aadamaha Qaranku uu hubiyo curinta iyo dhamaystirka sharciga gudniinka Gabdhaha, iyagoo daba gal ku sameynaya hadba heerka uu marayo, gudanayana waajibaadka ka saaran ilaalinta Xuquuqal Aadamaha.

• Qaybaha warbaahinta ee kala duwan waa inay si tabaruc ah bulshada ugu bayaamiyaan dhibaatada gudniinka Gabdhaha, faafiyaanna siyaadda dawladda ee gudniinka gabdhaha.

• Ururada Bulshada Rayidka (Ururada Haweenka, Dhallinyarada, Xirfadlayda, Jaamacadaha) Hay'adaha Caalamiga ah, Qaramada Midoobay, iyo Dhamman Cidda ay Khusayso arrintani waa inay kaalin mug leh ka qaataan hirgelinta siyaasadda, sharciga xakmaynta iyo joojinta gudniinka gabdhaha. iyo in lagu sameeyo cilmi-baadhis hadba halka uu maraayo.

• Waxa uu shirku ku baaqayaa in Wasaaradda Diinta Iyo Awqaaftu samayso xafiis u gaara haweenka culimada ah, si ay u xil qaadaan ka jawaabidda arrimaha haweenka ee xaasaasiga ah ee u baahan bayaamin ku salaysan diinta Islaamka.

Comments are closed.