Booliska Oo Burco Ku Qabtay Dad, Kuna Raad Jooga Kuwa Kale

1
690

Picture3Burco(Geeska)-Ciidamada Booliska gobalka Togdheer ayaa hawlgal balaadhan oo ay sameeyeen waxay magaalada Burco ka qabqanteen tiro dad ah oo laga shakiyay, halka kuwo kalena lagu raad joogo.

Ciidamadda booliska gobolka Togdheer ayaa hawlgalo balaadhan oo dhinaca amniga ah habeen hore ilaa shalay ka waday  Xaafadaha iyo wadooyinka magaaladda Burco ,kuwaasi oo ay ku soo qanqabteen tiro dad ah .

Hawlgalkan oo ka gadisanaa kuwii hore ee boolisku magaalada Burco lagu yiqiinay  oo ay ka qaybqaadanayeen CiidamoTiro badan oo boolis ahi ayaa lagu baadhaayay qaybaha kala duwan ee gaadiidka  maraayay Wadooyinka  waaweyn ee Suuqyadda magaalada Burco iyo waliba qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Gaashaanle  Axmed Cabdiraxmaan oo Geeska Afrika wax ka waydiiyay hawlgalkan ay magaalada Burco ka sameeyeen Ciidanka boolisku ayaa sheegay in uu socon-doono mudo ,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. “ Hawlgalkani ilaa xalayto [habeen hore] waanu wadnay ilaa maanta [shalay] ,wuxuuna soconayaa muddo ,waxaanu ka mid yahay hawlgalada lagu xaqiijiyaano xoojinta amniga gobolka ,gaar’ahaan magaalada Burco ,waanu ka balaadhanyahay hawlgalkani kuwii hore ee boolisku magaalada ka fulin jiray.

Waxaana jira dad la qabqabtay oo aanu ku soo qabqabanay hawlgalkan boolisku wado ,baadhis-baana ku socota ,waxay yihiina waa la cadayn-doonaa  ,sidoo kale qaar kale oo aanu ku dabo-joog-naana way jiraan “ Sidaasi ayuu Taliye Ilkacase yidhi.

Waxaanu intaasi raaciyay oo uu farriin u diray dadweynaha reer Burco, “ Waxaanan usoo jeedinayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco in ay ciidanka amniga la shaqeeyaan isla markaana wixii ay ka shakiyaan booliska usoo gudbiyaan.

Geesta kale Waa markii u horeysay ee Burco Hawlgal gaadiidka mid mid loogu baadhaayo wadooyinka halbawlaha laga fuliyo, inkastoo amniga magaaladu mudooyinkii u danbeeyay uu caadi ahaa .

Comments are closed.