Xukuumadda Oo Awaamiir Ka Soo Saartay Adeegsiga Hirarka Ay Telefiishannadu Dadweynaha Ku Gaadhsiiyaan Muuqaallada Ay Baahiyaan

0
444

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Boosaha, isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa soo saartay Awaamiir  ay ku xadidayso Hirarka ay isticmaalaan Telefiishannada Dalka ka hawl-gala.

Wareegto uu Shalay soo saaray Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Cabdiweli Suufi Jibriil ayuu ku sheegay in Shirkadaha bixiya Adeegga Muuq-baahinta ama Telefiishannada looga baahan yahay soo codsadaan inay dib u soo codsadaan diwaangelinta Hirarka ay adeegsadaan.

Wareegtada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:-

Markaan arkay:- Qodobbada 31-aad, 36-aad iyo 39-aad ee xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL  Xeer Lr. 50/2020

Markaan Arkay:- Qodobbada kala duwan ee Xeer-nidaamiyaha Maamulka Hirarka Isgaadhsiinta Xeer Lr. 05/2020 ee Wasaaraddu soo saartay.

Markaan ogaaday:- baahida loo qabo horumarinta Maamulka Hirarka isgaadhsiinta iyadoo la ilaalinayo Habsami u adeegsiga hirarka astaysan.

Markaan arkay:- in qaabka imika ay Wasaaraddu u bixiso Ruqsadda Hirarka isgaadhsiintu aanay ahayn mid waafaqsan Hab-raacyada Hay’adaha Caalamiga ahi dejiyeen.

Markii aan u kuur-galay:- Qaabka ay dalalka aynu jaarka nahay ee aynu ku wada jirno Gobolka 1-aad ee Hay’adaha Caalamiga ah ee Isgaadhsiinta (ITU) ay u Maamulaan Hirarka Isgaadhsiinta  ee Telefiishannnada.

Waxaan Go’aamiyey:-

In shirkadaha bixiya adeegga Muuq-baahiyaha ee loo yaqaano (Cable Tv) ay adeegsan karaan ugu badnaan lix (6) Kanaal (Channel) oo Hirarka  UHF-ka ah.

In dhammaan shirkadaha bixiya adeegga kor ku xusan dib u soo codsadaan diwaangelinta hirarka ay imika adeegsadaan muddo saddex bilood gudahood ah.

In shirkadaha bixiya adeegga kor ku xusani u hoggaansamaan Xeerarka, Hab-raacyada iyo Tilmaamaha Wasaaraddu soo saarto ee la xidhiidha nooca, awoodda, iyo Tayada Qalabka baahinta iyo horumarka farsamada Casriga ah.

In Wasaaradda iyo shirkaduhu ka wada shaqeeyaan  habsami u adeegsiga hirarka isgaadhsiineed ee la xidhiidha adeegsiga Muuq-baahiyaha iyo Farsamada lalinta.

Wakhtiga ay ku hirgelayaan Qodobbada Wareegtadani waa muddo saddex bilood ah”