Wargeyska Telegraph Ee Ingiriiska Ka Soo Baxa Oo Sheegay In China Uu Wado Daan-Daansi Dhinaca Badda Ah Oo Ka Dhan Ah Somaliland

0
818

Hargeysa (Geeska) – Wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa shalay baahiyay qormo dheer oo uu ka qoray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan iyo walaaca dalka Shiinaha.

Wargeysku, wuxuu qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Muxuu China uga werwerayaa iskaashiga cusub ee Somaliland iyo Taiwan,”, waxaanu wargeysku warbixintiisa kaga warramay xidhiidhkan Somaliland iyo Taiwan iyo marxaladihii uu soo maray.

Wargeyska ayaa sheegay in China iyo Soomaaliya, inkastoo ay soo saareen war-saxafadeedyo ay cadho ka muuqato haddana in China doonayo inuu isagoo soo dhex maraya dawladda Soomaaliya uu dhoolatus milatari ka sameeyo xeebaha Somaliland.

Wargeyska oo arrintan ka hadlaya wuxuu yidhi “Sida uu sheegay khabiir amni oo ka shaqeeya Geeska Afrika  oo aan doonayn in magaciisa la sheeego  fal-cellinta cadhada leh ee Shiinaha iyo Sooamaliya aad ayay uga ballaadhan tahay qoraallada cadhada ah ee ay soo saareen.” Ayuu yidhi wargeysku, waxaanu intaas raaciyay “Iyada oo iskaashiga ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland uu kor u socday bilihii u danbeeyey, Shiinuhu wuxuu soo bandhigay inuu Soomaaliya ula sameeyo si wada jir ah ilaalin ciidamada badda ah, sida uu sheegay [khabiirku].”

Khabiirka wargeyska u warramay wuxuu intaas ku daray,“Shiiinuhu inta uu tegay Muqdisho ayuu yidhi waa sidee xaalka ilaalinta aad ku samaysaan baddiina dhinaca woqooyi? Aannu idinka caawinno inaad sidaas samaysaan. Waa arin si buuxda loogu adeegsan karo gorgortan isla-markaana ah xirfad daan daansi ah inuu maraakiibtooda ka keenno Jabuuti.”

Khabiirkan ayaa Wargeyska u sheegay inay suurtogal tahay in maraakiib milatari oo uu Maraykanku leeyahay ay iman doonaan Berbera..“Lama yaabi doono haddaan arko bisha ama labada bilood ee soo socda iyada oo uu Markab Maraykanku leeyahay uu booqday Berbera,” ayuu yidhi khabiirkan Wargeyska u warramay.

Wargeysku, wuxuu sheegay inuu la xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee China si uu arrintan wax uga weydiiyo, laakiin aanay ka jawaabin farriimo uu wargeysku u diray.

Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah saxafi iyo falanqeeye siyaasadeed oo uu isna wargeysku waraystay ayaa wargeyskan Ingiriiska ka soo baxa u sheegay inuu isa soo tarayo dareen niyad wanaag ah oo ka jira labada dhinac ee Somaliland iyo Taiwan, “Dadku halkan waxay aaminsan yihiin in dunidu labada dhinacba ee Somaliland iyo Taiwan ay ula dhaqantay si aan caddaalad ahayn, waxaana jirta taageero ballaadhan oo shacab oo loo hayo xidhiidhka labadayada dhinac [Somaliland iyo Taiwan].

Somaliland ayaa leh Xeeb 460 Mayl oo muhiim u ah difaaca Badda cas oo marin u ah Maraakiibta Shidaalka.

Wargeysku wuxuu sheegay in xilligii dagaalkii qaboobaa ay Dekedda Berbera Marti-gelisay Maraakiibta dagaalka ee Dawladda Maraykanka.

Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu gaashaanka u daruuray cadaadista Shiinaha ku saaray inuu ka noqdo Xidhiidhka Taiwan, isla-markaana uu dhiirigeliyey xidhiidh adag oo Dawladdiisu la yeelato Tiapea.

Inkasta oo Maraykanku soo dhaweeyay Xidhiidhka adag ee Taiwan iyo Somaliland, haddana Khabiir ka mid ah Machadka American Enterprise Institute oo Magaciisu yahay Michael Rubin ayaa sheegay inay suurto-gal tahay inuu Maraykanku waayi karo inuu la shaqeeyo Somaliland, haddii aanu bixin taageero.