Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Badheedh Ah Uga Qayb Gashay Shir Ay Dawladda Shariif Iyo Puntland Joogeen

5
725

 

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah uga qayb gashay shir ay goob joog ka ahaayeen dawladda Somaliya ee tamarta daran iyo maamul goboleedka Puntland.

Shirkaas oo socday hal maalin, waxa uu Isniintii ku qabsoomay xarunta urur goboleedka IGAD ee dalka Djibouti, waxaanay ujeedadiisu ahayd horumarinta beeraha, daaqsinka iyo biyaha, waxaana shirkaas lagu qorshaynayaa sidii wada jir loogu qaybsan lahaa deeqaha uu bixiyo baanka horumarinta Afrika siiyo Somaliya. Shirkaas waxa ka qayb galay masuuliyiin ka socotay xukumadda Somaliland oo Hargeysa ka socdaalay.

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin, oo markii shirku dhammaaday ka hadlay ujeedada kulankaas, ayaa ka afeeftay inaanu shirkaasi ahayn mid siyaasadeed. “Shirkani sidaad u wada ogtihiin wuxuu ahaa TFG, puntland iyo Somaliland annaga oo xidhiidhsanay African development bank ayaan qalqaalinay waana hal maalin keliya, waxaanan ugu yeedhnay mashruucyo badan ayaanu sugaynaa inaanu bilowno, markaas waa in la isla afgarto sidii la isula shaqayn lahaa.” Ayuu yidhi Xoghayaha IGAD, waxaanu isagoo afeefanaya uu intaas raaciyay,

“Waxyaalana waa siyaasi, waxyaalana waa horumar, markaas annagu waxaanu doonaynaa inaanu arrimaha horumarinta horumarino oo wixii siyaasiga ahaa ee dadka u dhexeeyay aanu gadaal dhigno oo sidii lacagaha na sugayay ee maaraynta abaaraha iyo horumarinta looga faa’iidaysan lahaa inaanu isla meeldhigno oo isla sheekaysano ayaanu doonaynaa.”

Inkastoo arrimaha shirkan lagaga hadlayay aanay siyaasadda ku lug lahayn, haddana waxa uu ka qayb galkiisu ku soo beegmayaa iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lagu eedaynayo inay noqotay dawladii u horaysay ee shir la fadhiisata maamul goboleedyada iyo kooxaha ku hirdama talada dalkaas Somaliya.

Comments are closed.