Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Oo Markii U Horaysay Si Si Rasmi Ah U Caddeeyay Mawqifkiisa Siyaasadeed Iyo Ururka Uu Ka Tirsanyahay

0
1220

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne xigeenkii labaad eecabdiraxman Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa caddeeyay inuu ka mid yahay urur siyaasadeedka UDHIS oo maanta si rasmi ah loogaga dhawaaqayo magaalada Hargeysa.

 

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo doorashadii madaxtooyo ee sannadkii 2003 ahaa murashaxii Madaxweyne xigeen ee xisbiga KULMIYE, ayaa xalay Geeska Afrikasi rasmi ah ugu xaqiijiyay inuu ka mid yahay ururkaas oo maanta lagu dhawaaqayo, “Waa rasmi oo anigu waxaan ka mid ahay ururka UDHIS, beri [saaka] ayaana inshaalah lagu dhawaaqayaa.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somaliland ee magaca leh islamarkaana ka mid ah shakhsiyaadka ay bulshadu sida weyn u tixgeliso. Waxaana  ragga ururkaas ku weheliya ka mid ah Ibrahim Dhegaweyne oo ay muddo siyaasadda jaal ku ahaayeen iyo masuuliyiin kale. Cabdiraxmaan Aw Cali oo muddo dheer la isweydiinayay aragtidiisa siyaasadeed ee saaxadda ururada cusub ee Somaliland, ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo ragga  haddii ururkaasi soo baxo u tartami doona inay noqdaan murahax Madaxweyne. Waxa kale oo ururka ka mid ah rag kale oo iyaguna miisaan leh.