Wasiirka Caafimaadka Oo Hay’adda UNFPA Kala Wareegay Baabuur Ambalas Ah

0
4392

 

 

DSC03700Hargaysa ( Geeska ) Wasiirka Wasaada Caafimaadka Dr.Xuseen Muxumed Maxamed  (Xoog ) ayaa ka gudoomay Hay’ada UNFPA gaadhi Anbalaasa oo ay hay’adu ugu talo gashay in uu wax ka taro baahiyaha ka jira cisbitaalada ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

 

Madaxa hay’da UNFPA ee Somaliland Marwo Salaado Maxamed Roobe ayaa sheegtay in ay Ambalaaskan ugu talo galeen sidii loogu yarayn lahaa dhimashada hooyada iyo dhalaanka oo Somaliland aad u saraysa, waxa kale oo ay Salaado ka warantay sida ay inta bdan dadaalka ugu baxiyaan inay wasaarada ka taageeraan dhanka tababarada umulisooyinka iyo walib siinta MCH-yada daawooyinka.

Wasiirka Caafimadka Dr.Xuseen Xoog ayaa isagu dhankiisa uga mahadnaqay hay’ada UNFPA  taageerada ay u fidaynayso hooyada iyo dhalaanka reer Somalliland, waxanu wasiirku si gaara uga mahadnaqay Ambalaaskan oo uu ku tilmaamay in ay wasaarada caafimaadku si weyn ugu baahantahay.

Gaadhigaas Anabalaaska ah oo wasiirka caafimaadku waxa uu kaga gudoomay madaxa hay’ada UNFPA ee Somaliland Salaado Maxamed,  Afaafka hore ee wasaarada caafimaadka, waxaanay hadalo kooban halkaas ku siiyeen saxaafada, ugu horay Salaado oo halkaas ka hadashay waxa ay tidhi “ Aniga oo ku hadlaaya magaca hay’ada UNFPA ee Somaliland waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan ku wareejiyo Ambalaas wasaarada Caafimaadka, sababtuna waxa ay tahay in meelo badan oo cisbitaalo ah oo dibadaha magaalooyinka ah in ay dhibaato ka haysato dumarka dhalaaya oo gaadiidkii Soo qaadi lahaa uu ku yar yahay,” ayaa ay tidhi, waxaanay sii raacisay 

“ UNFPA wasaarada caafimaadka imika uguma horeyso  ee waa Anbalaskii labaad ee aan siino 2008-na ayaan mid hore siinay, waxa yaalaha  kale ee aan siinayna waxa kamida waxaan tababar siinaa sidii loo dhimi lahaa dhimashada hooyada umulisooyinka, hadda waxa socda 40 Umuliso oo  Community Midwifery loo yaqaano ayaa lagu tababarayaa Burco iyo Boorama kuwaas oo gobalada ka yimid Sool iyo Sanaag iyo Awdal.

Sanadka danbana waxa qorshaha noogu jira inaan 100 tababarno oo ah kalkaalisooyinka caafimaadka siiba kuwa dhalmada xisaabsan, si ay hooyadu u hesho qof xirfadii leh si ay u yaraato dhimashada hooyada iyo dhalaanku, waxa kale oo aan wasaarada ugu deeqnaa daawooyinka oo inta badan ku waajahan dhanka MCH-yada” 

wasiirka caafimaadka ayaa dhankiisa isaguna ku bilaabay hadal kiisa mahadnaq uu u soo jeediyay hay’ada UNFPA “ Waxa aan aad iyo aad ugu mahad naqayaa hay’ada UNFPA kaalmada waxa ku oolka ah runtii ee ay markii horeba u qabanaysay hooyooyinka iyo ilmaha dhimanaaya ee reer Somaliland, waxa aan si gaara maanta ugu mahad naqayaa gaadhigan Anbalaaska ah oo runtii muhiim u ah wasaarada caafimaadka oo wax wayn ka tari doona xaalada hooyada oo aynu ognahay inahynu ku jirno aduunka meelaha ugu sareeya dhimashada hooyada.”

Waxa ugu dambayn lala kala wareegay baabuurkaas ambalaaska ah.