Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku Ceebowday Hab-dhaqankii Ay Shalay Ku Qaabishay Daahir Rayale Iyo UDUB Oo Ku Macnaysay Aargoosi

1
843

 

rayaaleHargeysa(Geeska)-Waxa shalay dalka dib ugu soo noqday Madaxweynihii hore ee Somaliland oo dalka dibadiisa ku maqnaa tan iyo bishii August ee kal hore oo uu safar dibadda ah u baxay, markii uu wareejiyay xilka madaxtnimada.

Hab maamuuska soo dhawaynta Madaxweynihii hore, waxa ay muran iyo khilaaf ka dhex abuurtay masuuliyiinta xisbiga UDUB iyo Wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ka dib markii madaxda xisbiga UDUB loo diiday inay galaan gudaha madaarka, islamarkaana Madaxweynihii hore laga qufushay qolka rasmiga ah ee martida mudan, taasina waxay sababtay in masuuliyiinta UDUB oo uu horkacayay Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin ay dib uga noqdaan garoonka islamarkaana Daahir Rayaale Kaahin ay ku sugaan xarunta xisbiga UDUB. Madaxweynihii hore waxa garoonka ku soo dhaweeyay guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, midhadh ka tirsan xisbiga UDUB, maayarka Hargeysa iyo badhasaabka gobalka Maroodi Jeex.

Eedaynta UDUB

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka tirsan mudanayasha golaha wakiilada ee ka soo jeeda xisbiga UDUB ayaa yidhi, “Xisbiga talada haya ee kulmiye wuxuu keenay inuu xildhibaanada gaydhkaas birta ah ku xidh xidho, wax wada shaqayn oo dib nooga dhaxayn kartaa ma jiran. Sidaas daraadeed wasiirka duulista iyo hawadu xaalada abuur ayuu ka wada Somaliland, anigu muhanadkiisna ma aqaane. Xaalad abuurkaas hadii aanu ka joojin halkani waa masalihii, walaahi dib ayey uga bilaabmi doontaa oo wadanka, wixii ka dhacana isaga ayaa ka muusala.”

Wasiir ku xigeenkii hore ee Arrimaha dibadda xukuumadii hore Axmed-Kayse Aadan Ismaaciil, ayaa isna yidhi, “Masuuliyiintii xisbigu waa kuwa halkaas u baxay. Waxaanu leenahay wasiirku waxa uu ka helo ayuu leeyahay, haddii uu sidaas madaxweynihii Somaliland ee sida sharafta leh ku wareejiyey ku hagaayey ugu abaal guday walaahi bilaabi isaga ayey  xumaanteedu joogtaa, waxaanu leeyahay waxa uu ka helo ayuu leeyahay.”

Wasiirkii hore ee hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed, ayaa isna xukuumadda ku eedeeyay inay si fool xun ula dhaqantay masuuliyiinta xisbiga UDUB ee madaarka u tagay soo dhawaynta Daahir Rayaale Kaahin. Masuuliyiin kale oo xisbiga UDUB ah ayaa iyaguna ku eedeeyay xukuumadda in talaabada ay shalay qaaday tahay aar goosi siyaasadeed.

Jawaabta Xukuumadda

Wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa beeniyay eedaynta UDUB, waxaanu yidhi, “Madaxweynuhu maamuus ayuu nagu mudan yahay, qolka VIP-da waa loo furay, laakin waxaan leeyahay ragaas iyaga ah (reer UDUB) ee masuuliyiinta ah si muddo karnimo leh oo waayeelnimo leh u dhaqma. Goobtu waa goobtii raguna waa ragii aad shalay waxaad doontaan aad ku samayn jirteen, laakiin annagu waxaanu leenahay sidiinii idiin dhiqi mayno ee waxaanu idiinla dhaqmaynaa si ka wanaagsan.”

Soo Dhowoow

 Waxa madaarka Hargeysa tagay dad aad u tiro badan oo u diyaar garoobay soo dhawaynta Madaxweynihii hore, kuwaas oo watay baabuur tiro badan. Ciidanka madaarka ayaa rasaas teel teel ah kor ugu riday boqolaal dadweyne ah, kuwaas oo barxada hore ee madaarka ku tumanaayey durbaano iyo heeso. Dadweynaha ayaa ku gadooday wasiirka duulista iyo hawada oo markaas garoonka soo galayay, waxase wasiirka kaxeeyay Cali Maxamed Warancade iyo badhasaabka Hargeysa Axmed Xaaji Cabdillaahi Xamarji.  Ilaa hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay isku dhaca booliska iyo taageerayaasha xisbiga mucaaridka ah. Dadweynahaas oo tubnaa barxadda hore ee madaarka Hargeysa waxa salaan ula tagay Daahir Rayaale Kaahin, waxaanay Madaxweynihii hore u galbiyeen xarunta xisbiga UDUB. Dadweynaha ayaa tubnaa jidadka uu marayay Daahir Rayaale Kaahin iyagoo lulayay calanka Somaliland iyo sawirkiisa, waxaana soo dhawaynta shalay lagu tilmaamay inay ahayd tii ugu balaadhnayd ee muddooyinkan dambe lagu qaabilo Daahir Rayaale Kaahin, dad badanina waxay sheegayaan in soo dhawayntani sabab u tahay nidaamkii wanaagsanaa ee uu ku wareejiyay talada dalka Somaliland, markii laga helay doorashadii sannadkii hore.

Rayaale Muxuu Yidhi?

Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii uu gaadhay xarunta Xisbiga UDUB waxa uu dadweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta, isagoo ay farxadi ka muuqatay, waxaanu yidhi,  “Waxaan shacbi waynaha uga mahad naqayaa sida ay ii soo dhaweeyeen. Waxa kale oo aad ka war qabteen dimuquraadiyadii aan xilka ku wareejiyey taas oo ahayd in aan jawaabteeda helo. Arrimaha siyaasada maanta ka hadli maayo. Ragayga markaan warayso kadib shir jaraa’id ayaan qaban doonaa, xogogaal in aan noqdo ayaan u baahanay. Balse maanta mahad naq iyo salaan umada aan u gudbinaayo iyo aniga oo leh shacabiga reer Somaliland meel kasta oo uu joogo midnimadiisa, wada jirkiisa iyo walaaltinimadooda  ha ilaashadaan.”

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate  soo guryo noqoshadii Daahir Rayaale Kaahin ee shalay, waxa ay bulshada Hargeysa ku soo dhawaysay dareen farxadeed, laakiin waxa uu hantaaqo kala kulmay madaxda xukuumadda u qaabilsan madaarada, gaar ahaan wasiirka duulista iyo hawada. Daahir Rayaale kama hadlin wax siyaasad ah, waxase uu sheegay inuu hadli doono marka ay asxaabtiisa is xogwaraystaan.

Comments are closed.