Yemen iyo Cali Cabdala Saalax

0
1263

 

salaaxDalka Yaman waa dal Carbeed oo ku yaala  konfurta qaarada Aasiya, dhinaca berriga waxa uu xuduud kala leeyahay  boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo saldanadda Cumaan, dhinaca baddana waxa  uu xuduud kala wadaagaa wadamada Ereteriya, Jabuuti  Somaliland iyo Soomaaliya.

Dadka dalka Yemen tiro-koobkii ugu dambeeyey waxaa lagu qiyaasay, 23,580,000 (Saddex iyo Labaatan milyan, shan boqol iyo Siddeetan kun)oo qof. Caasimada dalku  waa Sanca, halka caasimadda labaadna ka tahay magaalada Cadan ee xeebta ah.

Dalka Yemen wuxuuu  u qaybsamaa koonfurta oo uu hore u gumaysan jiray ingiriisku ilaa sanadkii 1967 oo ay xornimada ka qaadatay, iyo waqooyiga oo aan isagu gumaysiga reer Yurub gacanta u gelin marnaba, labada qaybood ee dalka yaman waxay midoobeen 22 May1990, xilligaas oo uu madaxweynaha labada dal ee midoobay uu nqoday Cali Cabdalla Saalax oo  isagu kasoo jeeday dhinaca waqooyiga, halka madaxweyne ku xigeenkanna uu  noqday Cali Saalim Al-biid oo kasoo jeeday koonfurta yemen, gaar ahaan gobolka Xadramawt.

Dhalashadii Cali iyo Yaraantiisii

Cali Cabdalla Saalax waxa  uuu dhashay 21 March 1942, waxa uu ku dhashay, tuulada Bayt Al-axmar oo ka tirsan degmada Sanxaan ee ku dhow magaalada Sanca. Cali qoyska uu ka dhashay waxay ahaayeen qoys danyar ah, waxa uu ku soo koray nolol adag iyo duruufo qallafsan, wararka qaar waxa ay sheegayaan in aabihii uu geeriyooday isaga oo aad u da’yar. Cali yaraantiisii waxa uu raaci jiray adhiga qoyskooda sida dhaqanka u ah dadka xoola dhaqatada ah. Cali waxa lagu daray yaraantiisii malcaamad ku taalay tuulada qoyskoodu deganaayeen halkaas oo uu ka bilaabay wax barashadiisii ugu horaysay.

Sannadii 1958 Cali waxa uu ku biiray ciidamada qalabka sida ee dalka Yemen markaas da’diisu waxay ahayd 16 jir, sanadii 1960 waxa uu nasiib u helay inuu galo iskuul lagau tababaro saraakiisha yar yar halkaas oo uu ka helay tababar iyo aqoon sees u noqotay xirfadiiisa milaterinimo.

Sanadii 1962 waxa  uu ka qayb qaatay kacaankii xidida loogu siibay xukunkiii  imaamyada ee Yamanta waqooyi kasoo talinayey ilaa sanadkii 1918, kadib markii  ay dawladii Cusmaaniyiintu kala baxday ciidankeedii dalkaasi, isla sanadkii1962 Cali waxa loo dallacsiiyey derejada laba xidigle ee ciidamada.

Sanadkii 1962 ilaa sanadihii ka danbeeyey dalka Yemen waxaa ka dhacay dagaala sokeeye oo u dhexeeyey hadhaagii boqortooyadii imaamyada oo gacan ka helayey boqortooyada Sucuudiga iyo kacaankii u hogaaminayey madaxweynihii ugu horeeeyey ee dalka Yaman, Cabdala salaal oo gacan ka helayey dawladdii Masar  oo xilagaas u soo dirtay Yaman ciidamo tira badan oo ka qayb galay dagaaladii ka dhacay Yaman xiliyadaas.

Cali waa ka qayb galay dagaaladaas oo maryo dhiigleh la kala furtay, wararku waxay sheegayaan Cali inuu ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay maagalada Sanca 1967 oo loo yaqaanno dagaalkii 70-ka maalmood, dagaalkaas  oo ahaa  mid aad u qadhaadh magaalada Sancana ay go’doon ku jirtay mudo dhan 70 maalin, laakin aakhirkii waxa ku guulaystay dagaalkaas ciidamadii kacaanka, hadhaagii boqortooyadana waalaga fogeeyey caasimada iyo agagaarkeeda.

Cali dagaaladaas waxa uu ka helay magac iyo billado, saraakiishiii ka saraysayna waxa u kala kulmay amaan iyo bogaadin kaalintii firfircoonayd ee uu ka qaatay halgankii lagu difaacayey caasiamada darted, Cali sanadii 1964 waxa uu galay kuliyada milateriga oo weliba si gaar ah waxa uu ugu takhasusay qaybta dabaabadaha markaas intii ka danbaysay waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay ciidanka milateriga.

Sanadkii 1975 Cali waxa uu  noqday taliyaha aagga Ticiz, taasi waxay u suura gelisey inuu awood badan maamulka dhexdiisa ku yeesho, isla markaana waxa uu xidhiidh adag la yeeshay madaxda qabiilada yaman gaar ahaan, Sheekh Cabdala Xuseen Al-axmar oo ay isku jufo hoose ahaayeen.

ilaa laga soo bilaabo sanadkii 1962 iyo sanadihii ku xigay dalka yaman waxuu galay xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed, taas oo sababtay in wadanka ay ka dhacaan dagaalo sokeeye oo lagu hoobtay iyo inqilaabyo isku xig-xigay, waxa aanay sababtay in maxadweynayaashii Yemen-ta waqooyi ee ka horeeyey Cali Cabdala Saalax in dhammaantood xukunka lagaga tuuro qori caaradii iyo xoog.

Haddii aynu arintaas yara  dul marno  madaxweynihii ugu horeeyey ee yamanta waqooyi Cabdala Salaal waxa la inqilaabay 5 November 1967, madaxweynihii labaad oo magiciisa la odhan jiray, Cabdiraxmaan Al-Ciryaani  isna waxaa la af-genbiyey 13 june1974-ka, halka madaxweynihii sadexaad oo magiciisu ahaa Ibraahim Al-xamdi isagana la dilay 11 October 1977, madaxweynihii afraad oo ahaa Axmed Xuseen Al-qashmi isagana waxa lagu dilay qarax bambo oo shandad loogu soo riday xafiiskiisa dhexdiisa 24 june1978.

Muddadii yarayd ee uu xukunka hayey Axmed Xuseen Al-qashmi, Cali Cabdalla Saalax waxa uu ka tirsanaaa golaha sare  ee mdaxtooyada, markii la dilay Axmed Xuseen, waxa xilka qabtay Cabdikariim Al-jarshi, laakiin Cabdikariim naftiisa ayuu u baqay, waana uu ka  cudur daartay xilkii madaxweynenimo, sababtoo ah waxa uu  u soo taagnaa raggii ka horeeyey waxii ku dhacay iyadoo qaarkood. la dilay halk kuwii kalana qaxoonti ku nqdeen waddamo debedda ah, ka dib markii la afgembiyey. La soco…