Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Sheegtay Inay Ka Fiirsanayso Qorshaha Uu Turkigu Ku Doonayo Dib U Bilaabista Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

0
1206

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay weli aqbalin dhawaaqyada Turkigu uu ku doonayo inuu dib u bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoonj), oo dalka dibadiisa ku sugan, ayaa sheegay in xukuumadu dhawaan cadayn doonto mawqifkeeda ku aadan dhawaaqyada ka soo yeedhay dawladda Turkiga oo sheegtay inay Ergay gaar ah u magacowday wada hadalada, Waxaanu oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay aragtida xukuumadda Somaliland ee in Turkigu dib u bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi   “Waa dhab inuu Turkigu doonayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, laakiin ilaa hadda si rasmiya looma shaacin, si rasmiyana looguma dhawaaqin wada hadalada iyo wakhtiga la qabanayaba, Dawlad ahaana ilaa hadda si rasmiya umaanu aqbalin wada hadalka, go’aan kama dambays ahna kamaanu gaadhin, laakiin go’aanka Somaliland ee wada hadalada Somaliya, si rasmiya ayaanu u soo saari doonaa insha allaah, waana ka hadli doonaa”.

Wasiir Faratoon mar aanu wax ka weydiinay dhoofka Xoolaha Somalida ee wali xayarin, xaalada Xoolaha Somaliland iyo hadalkii  Wasiirka Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha Sucuudiga ee sheegay in aanay wali aqbalin dhoofka Xoolaha ayaa ku jawaabay “Dabcan inaga Xoolaheenu waa kuwa caafimaad qaba, oo Wasaarad dhan baa inoo qaabilsan, oo mar walba la socota badqabka Xoolaheena, taas oo la daweeyo, oo tiimam iyo dhakhaatiir loo diro, si mar walba loo ilaaliyo caafimaadka Xoolaheena xitta waxa jira Maxjaro lagu sii sugo Caafimaadkooda marka ay dalka ka dhoofayaan, markaas Xoolaheena waa kuwa Caafimaadkooda la hubo”.

Wasiir Faratoon mar uu ka hadlaayey Ictiraaf raadinta ayaa yidhi “Wadan kasta oo doonaya inuu aqoonsi caalamiya helo, oo uu ka helo Beesha Caalamka, shuruudo ayaa lagu xidhaa, haddii uu Wadankaasi shurudahaas lagu xidhay oo ka soo baxo waa la aqoonsadaa, inaga Somaliland ahaana Shuruud kasta oo looga baahan yahay Wadan la aqoonsan yahay weynu ka soo baxnay, maxaa yeelay intii aynaan isku biirin Somaliya, 1960, waxaynu ahayn dal madax banaan, inagoo laba dal ah ayeynu isku biirnay, haddana dib ayeynu u kala baxnay, waxaana xaqiiqo ah oo aanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Jaamaca Carabta, in aanu nahay dal madax banaan, dawlad madax banaan, oo hagaajista nidaamkooda dawladnimo, qabsaday Doorashooyin xor iyo xalaal ah, ka gudbay nidaamkii Beelaha, una gudbay nidaamka axsaabta badan iyo nidaamka Dimuqraadiyada, waxaanu leenahay Dastuur, Shacabkaygu iskood ayey u doortaan hadba cidda ay doonayaan, waxaanu leenahay Calan noo gaar ah, waxaanu leenahay lacag noo gaar ah, Hay’addihii kala duwanaa ee Dawladnimadu wey dhisan noo dhisan yihiin, mar walbana waxaanu rabnaa in aanu si fiican ula macaamilno oo aanu xidhiidh fiican la yeelano Wadamada kala duwan ee Caalamka iyo kuwa aanu jaarna nahayba, himiladayada, iyo hadafkayga ah in dalkayaga aqoonsi buuxa la siiyo ka daali mayno, ee waanu u dadaalaynaa Xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba, guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee dal iyo dibadba joogana waxaan leeyahay mar walba qadiyadiina soo bandhiga, oo muujiya qaranimadiina”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here