Guddiga Doorashooyinka Oo La Beeniyay Inay Is Casilaad U Gudbiyeen Madaxweyne Biixi

0
924

Hargeysa(Geeska)-Warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inaanay guddiga doorashooyinku Qaranku, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbin wax is casilaad ah.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika ka helay guddiga doorashooyinka qaranka ayaa daboolka ka qaaday inaanay jirin wararka sheegaya inay guddiga doorashooyinku is casilaad gudbiyeen, waxaanu warku intaas ku daray inay guddiga doorashooyinku toddobaadkii u dambeeyay ku mashquulsanaayeen kulamo ay la yeesheen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha shisheeya ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo weliba jadwal u samaynta diyaar garowga doorashada golaha wakiilada. “Warkaas waxba kama jiraan, mana jiro kulan dhex maray guddiga doorashada iyo Madaxweynaha oo ay is casilaad ugu gudbiyeen, waxaanay guddigu ku mashquulsanaayeen toddobaadkii u dambeeyay hawlo doorashada muhiim u ah, waxaana wararkan baahiyay dad leh dano siyaasadeed oo gaar ah.” Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay qof muhiim ah oo ka ag dhow guddiga doorashooyinka oo ka cudur daartay in magaciisa la baahiyo.

Doorashada golaha wakiilada oo la filayay inay qabsoonto bisha March ee sannadkan ayaa dib ugu dhacday caqabada siyaasadeed oo dalka ka taagan, waxaana la qorsheeyay inay qabsoonto bisha December ee sannadkan 2019.

Xisbiga Waddani ayaa hore u sheegay inuu kalsoonidii kala noqday guddiga doorashooyinka, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa ku gacan saydhay dalabkaas xisbiga Waddani, waxaana fashilmay dedaalo lagu doonayay in lagu dhexdhexaadiyo xisbiga Waddani iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here